Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxweynaha Dalka Venesuela Hugo Chaves Oo Xaaladiisa Caafimaad Laga Dayrinaayo

Sunday - July 3, 2011

Havana - Xaaladda Madaxweynaha waddanka Venesuela oo ku yaal qaaradda Koonfur Ameerika Mr. Hugo Chaves, ayaa si xooggan looga dayrinayaa, kadib markii qalliin lagaga dawaynayo xannuunka Kansarka lagu sameeyey, isagoo xilligana yaal cusbitaal ku yaal dalka Cuba.

Madaxweyne Hugo Chaves oo muddo toddobaadyo ah ku jiray cusbitaal ku yaal dalka Kuba, ayaa maalintii Khamiista dadweynaha kala hadlay telefishanka, isaga oo qiray in lagu sameeyey qalliin, waxaannu u mahadceliyey dadweyne badan oo isugu soo baxay mudahaarad ay ugu muujinayaan taageeradiisa iyo siday uga xun yihiin xannuunka haya madaxweynahooda.

Madaxweyne Hugo Chaves oo dadiisu tahay 56 jir waxuu yiri; Waxaan si aad ah ugu mahadnaqaa mudaharaadayaasha taageerada ii muujiyey, qalliinka la igu sameeyeyna wuxuu ahaa si deggan oo hoose loo sameeyey, waanan ka soo bogsan-doonaa, isagoo xusay inuu talada dalka ka hayn doono dhinaca waddanka Cuba ee uu u yaal xaaladda caafimaad.

Kooxaha mucaaridka ah ee Venesuela ayaa sharci-darro ku tilmaamay in madaxweynuhu dalkiisa ka xukumo waddan kale, iyada oo xaaladda madaxweynuhuna aad u liidato, waxana laga cabsi qabaa maqnaansha muddada dheer ah ee Hugo Chaves inay abuurto kacdoonno awood kala riixasho ah, iyadoo dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka oo Madaxweyne Chaves u arka cadowgooda, maadaama uu siyaasadahooda si xooggan uga soo horjeedo ay ku kiciyaan mucaaradad xukunka lagaga tuurayo inta uu cusbitaalka ku jiro.

Taliyaha Guud ee ciidammada waddanka Venesuela Mr. Henry Rangel Silva, ayaa daboolka ka qaaday in dalku aannu wax khatar ah ku sugnayn, isaga oo xusay in inta madaxweynuhu ka soo bogsanayo xannuunka hayana ciidanka millatarigu dammaanad qaadayaan ilaalinta dastuurka iyo kala dambaynta dalka.

Dalka Venesuela, ayaa la filayaa in sannadka 2012 doorasho guud ka dhacdo, iyada oo ilaa hadda aan la garan karin cidda beddeli doonta madaxweyne Hugo Chaves haddii uu ka soo kici waayo qalliinka lagaga dawaynayo xannuunka Kansarka.

Xannuunka Madaxweyne Hugo Chaves, ayaa sababay in dib loo dhigo shir dalalka gobolku yeelan lahaayeen 5 July 2011, iyadoo la sheegay in shirkaasi la qaban doono muddo kale oo aan hadda la cayimin. Waxa kaloo laga cabsi qabaa in madaxweyne Chaves uu ka qaybgeli kari waayo dabbaaldegga sannad-guurada 200aad ee ka soo wareegtay markii Venesuela madaxabannaanida ka qaatay dalka Spain oo sannad kasta waddankaas laga xuso 5ta bisha July.