Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Maamulada Ximan Iyo Galmudug Oo Ka Hadlay Dagalo Ka Socda Degaanka Dhgtuur

Monday - July 4, 2011

Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay in dagaalka ka socda deegaanka Dhegtuur oo 100 km koonfur galbeed kaga beegan Gaalkacyo ay ku lug leeyihiin rag siyaasiyiin ah oo dano gaar ah wata, islamarkaana looga gol leeyahay waxyeeleynta ammaanka dadka wada deggan.

Madaxweynaha oo halkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu ugu baaqayo siyaasiyiinta iyo kuwa argagixisada ah ee ajnabiga u shaqeenaya in ay dagaalka faraha kala baxaan si loo dhex-dhexaadiyo beelaha reer miyiga ah ee halkaasi ku dagaallamay.

Madaxweyne Caalin ayaa sheegay in uu caafimaad u rajeynayo intii dhaawacantay intii dhimatayna Alle uu u naxariisto, islamarkaana uu ku baaqayo in dagaalka si degdeg ah loo joojiyo.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan "Tiicey" ayaa isna ku baaqay in dagaalka si degdeg ah loo joojiyo, islamarkaana khilaafka ka dhaxeeya beelaha walaalaha ah wada hadal lagu dhameeyo.

Tiicey ayaa ku booriyay odayaasha labada dhinac in ay u guntadaan dhameynta dagaalka dhiiga uu ku daatay ee ka dhaxeeyaha beelaha wada dega.

Inkastoo uu qaboobay dagaalkaasi oo u dhaxeeya dadka reer miyiga ah oo halkaasi wada dega ayaa saakay oo kaliye waxaa ku geeriyooday 20 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale.