Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dawlada Ingiriiska Oo Mucaawino 61 Milyan Dollar Ku Caawinaya Itoobiya Muddo Sadex Bilood Ah

Monday - July 4, 2011

London - Dawladda Ingiriiska ayaa mucaawino dhan £38 Milyan oo u dhiganta 61 milyan oo doollarka Maraykanka ah ku caawinaya dalka Itoobiya, si wax loogaga qabto xaaladda abaarta ee dalkaasi ka jirta.

Mucaawanadan oo uu ku dhawaaqay Xoghayaha Horumarinta Dibada ee dawladda Ingiriiska Mr. Andrew Mitchell waxa loogu talogalay in raashin loo siiyo dad lagu qiyaasay 1.3 milyan qof oo ay saamaysay abaar lagu tilmaamay tii ugu xumayd muddo tobanaan sanno ah oo ku habsatay waddanka Itoobiya.

"Geeska Afrika waxa haleelay abaar aad u daran oo ka dhalatay roob la’aan. Sidaa daraadeed, dawladda Biritan waxay qaadanaysaa tallaabo degdeg ah oo lagu joojiyo in dhibaatada Itoobiya noqoto masiibo, waxaannu bixinaynaa cunto si loo caawiyo 1.3 milyan qof saddexda bilood ee soo socda," ayuu yiri Mr. Andrew oo ku dhawaaqayey mucaawanada dawladdiisu bixinayso.

Xoghayaha Horumarinta Dibada Ingiriisku waxa uu dawladda Itoobiya ka dalbaday inay sugto tirada rasmiga ah ee dadka abaartu saamaysay, gaar ahaan dhinaca Koonfurta si hay’adaha gargaarku mucaawanada u gaadhsiiyaan.

Waxa kale oo Mr. Andrew Mitchell sheegay in lacag kale oo dheeraad ah ay ku bixin doonaan gargaarka carruur nafaqo la’aani hayso iyo hooyooyin uur leh oo tiradoodu tahay 329,000 qof.

"Xaaladani waa mid u baahan jawaabta beesha caalamka, waxaannu Ingiriisku ugu baaqayaa beesha caalamka inay bixiyaan mucaawano degdeg ah oo Itoobiya u baahan tahay wakhtigan adag," ayuu intaa ku daray Xoghayaha Horumarinta Dibada Ingiriisku.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa dalbaday gargaar lala gaaro waddamada Soomaaliya iyo Kenya, taas oo mid walba lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $525 milyan oo dollar, halka gargaar dhan $30 milyan oo dollar ay u dalbeen dalka Jabuuti.