Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dawlada Eritrea oo Lagu eedeeyey Faragalinta Somaaliya Laguna Baaqay In Cunaqabateyn Lagu Soo Rogo

Tuesday - July 5, 2011

Adis-Ababa-Madaxda dalalka IGAD ayaa  ka codasaday  Qaramada Midoobay  iyo ururka Midowga Afrika in cunno-qabteyn la saaro dalka Eritrea oo ay ku eedeeyeen in ay carqalad ku tahay hannaanka nabadeed ee Soomaailya, oo ay  taageerto Al-shabaab oo doonaysa inay riddo dowladda Soomaaliya.

Ururka IGAD ayaa go'aankan ka soo saaray shirkii uu shalay ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in dalkiisa uu la daalaa-dhacayo qulqulatooyin siyaasadeed tan iyo 1991-kii.

"Urur goboleedka IGAD wuxuu golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay iyo Midowga Afrika ugu baaqayaa in Eritrea la saaro cunnoqabteyn buuxda," ayaa lagu yiri warka ay IGAD soo saartay, waxaana Eritrea ay ku eedeeyeen in ay faragelin toos ah ku hayso arrimaha Soomaaliya ayna hurinayso colaadaha jira.

Sidoo kale, urur goboleedka IGAD ayaa waxa ay dalbadeen in cunnoqabateyn lagu soo rogo dekedaha ku yaala deegaannada ay maamusho  Al-Shabaab, sida Baraawe, Marko iyo Kismaayo, sidoo kalena laga sameeyo Soomaaliya goobo duulimaadyada ka caaggan.

Eritrea ayaa dhowr jeer oo hore iska fogeeyay eedeymo kaga yimid IGAD oo ay ka baxday sannadkii 2007 markaasoo ay ku eedeeysay dalalka kale ee IGAD inay qayb ka yihiin sii socoshada dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, urur goboleedka IGAD ayaa dalbaday in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ciidamada ku sugan Soomaaliya ay horumar ka gaareen dagaalo ay Muqdisho kula galeen  Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, madaxda dalalka IGAD waxa ay shirkooda ku soo dhaweeyeen heshiiskii Kampala iyaga oo ka dalbaday madaxda dawlada federal-ka  ah in ay fuliyaan heshiiskaas, isla markaana  mas'uul walba xil iska saaro sidii u xushmeyn lahaa qodobbadii lagu gaadhay heshiiskaas.