Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Al-Shabaab Oo Markii Ugu Horeysay Sheegtay In Ay Soo Dhaweyneyso Gargaarka Hay'adaha Caalamiga Ah

Wednesday - July 6, 2011

Muqdisho-Afhayeenka guud ee  Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo maanta shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta  oo gacan siinaysa shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Sheekh Cali Dheere, ayaa waxa uu  shirkiisa jaraa'id ku sheegay in ay sameeyeen guddi ka shaqeeya gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu halakeeyeen, kuwaasoo uu madax u yahay Sheekh Xuseen Sheekh Cali Fiidow oo ah madaxa siyaasadda iyo gobollada ee Al- Shabaab.

"Cid walba oo gargaaraysa dadka abaaruhu dhibaateeyeen oo Muslimka ah ama aan Muslim ahayn maanta wixii ka dambeeya waxa ay la soo xiriiri karaan mas'uulka ugu sareeya guddida gurmadka abaaraha ee Shabaab," ayuu yiri Sheekh Cali dheere.

Afhayeenku waxa uu  sheegay in cid kasta oo aan dano kale lahayn oo  doonaysa in ay caawiso shacabka in ay gacan ku siinayaan sida uu sheegay

"Guddida gurmadka abaaraha waxa ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan cid walba oo gargaar siinaysa shacabka, waxaana guddida ka mid ah walaalkeen Sheekh Suldaan Maxamed Aala-Maxamed," ayuu Sheekh Cali Dheere hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, afhayeenka Xarrakada Al-shabaab waxa uu  baaq u diray ganacsatada iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool isagoo ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii lagu gargaari lahaa dadka walaalahood ah ee dhibaateysan, isagoo sheegay in Alle uu ajar ugu bedelo kaalmadii ay hore  u geysteen haddana mid kale looga baahan yahay.

Baaqa Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya iyadoo kumanaan qof ay bilaabeen in ay ka  barakacaan  gobolada dalka Soomaaliya  ee ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen, kuwaasoo soo galaya Magaalooyinka waaweyn sida Magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan dagaalo.