Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo U Duulay Konfurta Sudan Si Uga Qayb Galo Xaflada Dhalashada Dalkaas

Thursday - July 7, 2011

Hargeysa - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa Khamiista maanta u dhoofaya dalka Itoobiya, iyaga oo Jimcaha berrina uga sii gudbi doona dhinaca waddanka cusub ee Koonfurta Suudaan oo lagu martiqaaday xafladda wanaqalkiisa.

Sida ay wararku xaqiijiyeen iyo ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa weftiga madaxweynaha ee maanta baxaya xubno ka noqon doona wasiirro iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, waxayna la sheegay in Addis Ababa kulamo kula sii yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dawladda Itoobiya, kadibna waxay Jimcaha u duuli doonaan dhinaca magaalada Jubba ee caasimadda Koonfurta Suudaan oo ay kaga qaybgeli doonaan xaflado dhici doona maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 9 July 2011 oo loo samayn doono dhalashada dalka ku cusub qaaradda Afrika ee Koonfurta Suudaan.

Konfurta Sudaan ayaa halgan dheer u gashay sidi ay uga go'i lahayd waqooyiga Sudaan ee Khartum, oo ay ku qaadatay iney dhiig badan halkaas uga baxo, waxayna ku andacoon-jireen ineysan waqooyiga isku dhaqan, diin iyo dhiig midna ahayn oo ay u dheereed in la yaso, laakiin Somaaliland illa iyo hadda caalamka kama gadan sababaha ku kalifay iney gooostaan aan ka ahayn ingiriis baa na guumeysan jiray.