Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Warbixin Sheegeysa In Dawlada Nijeriya Si Qarsoodi Ah Uga Dajisay 120 Askari Madaarka Mogdisho

Friday - July 8, 2011

Abuja: Madaxweynaha dalka Nigeria Johnathan Goodluck ayaa la sheegay in uu aqbalay in 120 askari uu kaga qayb qaato hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika  ee dalka ay dagaalado halakeeyeen ee Soomaaliya.

Madaxweyne Johnathan ayaa go’aankan qaatay ka dib markii uu aqalka cad ee dalka Maraykanka kula kulmay dhawaan  Madaxweynaha dalka Barack Obama oo ku dhiirigaliyay in uu ciidamo u diro dalka Soomaaliya si loo xoojiyo dagaalka lagula jira kooxda Somaaliga ee Al-Shabaab oo khatar ku hayso jiritaanka dawlada federal-ka ee xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho.

Warbixin si qarsoodi ah loo helay ayaa sheegaysa in dawlada Nigeria ay Arbacadii toddobaadkii la soo dhaafay in ay 120 askari  si qarsoodi ah uga dejisay madaarka caalamiga ah ee Adan Cadde international Airport ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku biiray 8,000 askari oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo ku hawgala magaca Midowga Afrika oo dagaal kula jira Islaamiyiinta ka jira Soomaalia.

 Waxa ay Nigeria ka war-warsantahay ayaa ah kooxda mayalka adag ee wadankaas ka jirta Boka Haram oo la aaminsan yahay in ay tababaro ku soo qaateen dalka Soomaaliya, kooxdaas wacad ku maray in ay Nigeria ay ka dhigi doonaan meel dawlad la’aan ah oo ku amar taagleeyaan sida lagu baahiyay shabaked Islaamiya ee la yiraahdo Islamic watch, waxaana ay ballanqaadeen dagaal buuxa oo ay si  dhakhso ah ugu hurin doonaan  wadankaas.

Nigeria waxa ay hore ballan qaaday in guutooyin ciidamadeeda ay u diri doonto Soomaliya sannadkii 2007-dii,laakiin waxa ay cagajiidaysay in taas ay sababto caro ka timaado dadweynaha haddii ciidamadooda ay waxyeelo ka soo gaadho dagaalka ka socda Soomaaliya.