Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wiil U Dhalay Madaxweynaha Konfur Sudan Mr. Salva Kiir Oo Ku Dhex Ashahaatay Masjid Ku Yaal Khartum

Saturday - July 9, 2011

War laga soo xigtay wargeys ka soo baxa carigaas Sudaan ee la yiraahdo " al-intibaah" ayaa bogiisa hore ku daabacay in wiil u dhalay madaxweynaha ku cusub Konfurta Sudan Mr. Salva Kiir u shahaadadiisi islaam ku dhex qiray masjid ku yaala caasimada Khartun.

Wiilkaas oo Magaciisa la dhaho John salva hasa ahaate marku islaamay la baxay Maxamed ayaa masjidka dhexdiisa ka yiri; waxaan ka soo kicitimay dhinaca konfurta oo aan daganahay waxaana halkaan u imid inaan ku qiro islaanimadeyda, isagoo balan qaaday inu diinta islaamka ku fidin-doono dhinaca konfureed, lana kaashan-doono culimada islaamka ee dacwada wax ka fidisa, sido kale Maxamed ayaa carabka ku dhuftay inu ugu yeeraayo aabihiis soo galista diinta islaamka ee wanaaga badan leh.

Maxamed Salva Kiir oo isagu xaasley ah waxuu deganyahay magalada Kiiji ee Konfurta Sudaan, waxaana dhashay xaaska afraad ee madaxweyne Salva Kiir u qabo