Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Nin Wax Sixray Oo Maxkamada Hargeysa Xukuntay

Sunday - July 10, 2011

Hargeysa - Maxkamada degmada Hargeysa ayaa maanta xukun 3 sannadood ah,  lacag ganaax ah oo dhan 3 milyan oo shilling-ka Somaliland ah  ku riday Abuubakar Axmed Abuubakar, ka dib markii ay maxkamada horteeda kaga cadaatay in uu sixir muddo lix bilood ah kaga shaqaysanay xaafada Daami ee degmada  Gacan- Libaax ee Hargeysa , halkaasoo la sheegay in haweenay uu sixir ku qataaray uu ku qabay si sharci daro ah.

Xukunkan oo saaka ka dhacay xarunta maxkamada degmada, waxa dacwada lagu soo oogay sixiroolahaas oo xaakin ka ahaa garyaqaan Cabdirashiid Beer-Geel , waxaana uu xukunka uu riday uu u cuskaday daliilada ay bixiyeen markhaatiyadii kala duwanaa  ee dacwada u soo gudbiyay maxkamada, isaga oo goobtaas ka akhriyay falalkii ula kaca ahaa uu ku kacay ninka sixiroolaha ah  oo been ka sheegay diinta Islaamka, taasoo loo aqoonsaday khal-khalgalin diimeed, maadaama uu sheegtay in uu yahay qof awood u leh inu wax ku daaweeyo sixirka oo ay mamnuucday shareecada Islaamku, isla markaana gabar uu sixray uu ku qabay sifo xaraan ah.

Xaakinku waxa uu sheegay in eedeysanuhu qirtay in uu galay dhamaanba dambiyada lagu soo eedeeyay sidaas darteedna ay maxkamad go’aan ku gaartay in xukunka ah 3 sanno oo xabsi ah, lacag ganaax ah oo dhan 3 milyan oo shilling, ka dib dalka laga masaafuriyo marka uu xabsiga dhamaysto ninkaas oo u dhashay dhinaca Koonfurta Soomaaliya.

Garyaqaan Cabdirashiid Beer-Geell waxa uu ugu dambayn Tawxiidka u qabtay sixiroole Abuubar Axmed Abuubakar, maadaama oo uu meel ka dhac ku sameeyay diinta Islaamka iyo Sunaha Nebiga (NNKH).