Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxweyne Gaandi Oo Sheegay In Afar Dhibic Shan"4.5" Ay Xaaraan ka Tahay Maamul Goboleedka Azaaniya

Sunday - July 10, 2011

Nairobi: Waxaa dhawaan Magaalada Nairobi lagu soo Gaba gabeeyay Shirwayne Wada Tashi ah oo ay Maamul Gobaleedka Azaaniya u Qabatay Odayaal Dhaqameedyada Soomaalida ee ka soo Jeeda Deegaanada Azaaniya oo ah Jubbooyinka iyo Gobalka Gedo.

Mudooyinkii ugu Dameeyay ayaa Maamul Gobaleedka Azaaniya waxa ay Waday Dadaalo ay Doonayso inay ku Soo dhisaan Xukuumad iyo Dawlada Iyo Golahada Wasiirada Maadaama Awal Madaxwaynihii Horay loogu Magacaabay Pro: Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi).

Wada Tashigaan ayaa waxaa laga Soo saaray War Murtiyeed, War Murtiyeedkaas oo ku Wajahnaa Sida loo Qaybsan Doono Golaha Wasiirada iyo Waliba Qaybaha ka la Gadisan ee Maamul Gobaleedka Azaaniya.

Maxadwaynaha Maamul Gobaleedka Azaaniya oo Xaflada ka Hadalay ayaa Sheegay inaysan Azaaniya ku Dhisnayn Qabiil ee Lagu soo Dhisi Doono Magaalooyinka iyo waliba Dadka Tiradooda.

Sidoo kale Madaxwayne Gaandi waxa uu Sheegay in 4.5 ama Afar Dhibic Shan ay Xaaran ka tahay Maamul Gobaleedka Azaaniya.

Si kastaba ha ahaatee Shirkaani wada Tashiga ahaa ee Socday Mudada Laba Maalmood ah ayaa waxa uu ku soo Dhamaaday Jawi Dagan Ayadoona ay Odayaashii ku Qanceen Qaabka Wanaagsan ee ay Hawlaha u wado Maamul Gobaleedka Azaaniya.