Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Maxaa Sababay In Raiisal Wasaaraha Turkiga Mr. Tayyib Erdogan Iyo Xaaskiisa Ay Boqdaan Somaaliya

Friday - August 12, 2011

Turkiya-Ankara – Raiisal Wasaaraha dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa maalintii arbacadii sheegay inuu booqanayo dalka Soomaaliya maalmaha soo socda  isaga iyo qoyskiisuba si uu indhaha caalamka ugu soo jeediyo dhibta ka taagan Mandaqada Geeska Africa.

Waxa xaqiqo ah in booqashooyinka hogaamiyeyaasha caalamku ku tagaan dalka Soomaaliya ay aad u yar-yihiin sababo amaan daro awgood. Laakiinse booqashada Erdogan waa ka duwan tahay booqashooyinkii hore. Waxaanu Raiisal wasaare Erdogan isagoo ka hadlaya kulankii Xisbi xaakimka cadaalada iyo horumarka ee Turkiga  (AKP)" Suurto gal nooma aha inaanu daawadayaal ka noqono waxa ka dhacaya Africa. Aniga iyo Wasiirkayga arimaha dibada iyo Qoysaskayaga ayaa booqan doona Soomaaliya, si aanu fursad ugu helo inaanu indhahayaga ku aragno waxa ka socda halkaas.

Si kastaba ha ahaatee waxa la aaminsanayahay in aad khatar u tahay in la booqdo Soomaaliya siiba caasimada Muqdisho oo kadib markii laga saaray dagaalyahaniinta Alshabaab in laga cabsi qabo inay fuliyaan weeraro ama" Guerrilla war", sida is qarxin iyo muaamaraad kale.

Waxa intaas dheer in dawlada Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM-ba ay qirsanyihiin inaanay gacanta ku wada haynin magaalada Caasimada ee Muqdisho xataa iminka oo ay ka baxeen Alshabaab.

Hogaamiyihii ugu danbeeyay ee booqda Soomaaliya waxa uu ahaa  Madaxwaynaha Uganda Yoweri Museveni, bishii November sanadkii hore. Ciidamada Uganda ayaa ku leh ciidan gaaraya 9000 oo askari ciidanka Nabad ilaalinta ee Soomaliya ku sugan. Hase ahaatee ma jirin hogaamiiye kale oo ka baxsan Africa mudo dheer hada.

Sababta uu Raiisal Wasaare Erdogon u booqan doono Soomaaliya waxa lala xiriirinayaa,  shirka 57-ka dawladood ee Shirwaynaha Ururka Islaamka oo ka dhici doona magaalada Istanbul Turkey, 17ka bisha August 2011. Taas oo la filayo in si wayn diirada loo saari doono abaaraha ka taagan Soomaaliya iyo meelaha la jaarka ah. Kulankan oo ku soo beegmay bisha barakaysan ee Ramadaan waxa soo jeediyay Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Ahmet Davutoglu.

Dhanka kale dawlada Turkiga waxay Soomaaliya u dirtay Isniintii laba diyaaradood oo sida ilaa 50 tan oo cunto iyo dawooyin ah, sidoo kalena waxa si wayn uga hawl galaysa abaaraha Soomaaliya Hay’ada Bisha Cas ee Turkiga oo la shaqaynaysa hay’adaha dawlada.

Ugu danbayntii dawlada Turkiga oo ah dawlada ku Dimuqraadi ah oo ku dhaqanta habka xisbiyada badan waxa inta badan loo soo qaatee tusaale wanaagsan dhinaca horumarka wadamada Muslimka ah.

Xaaska Raiisal wasaare Erdogan, Emine waxa iyaduna sidoo kale booqatay meelaha daadadku sida ba’an u waxyeeleeyeen ee dalka Pakistan sanadkii hore. Ka qayb qaadashada mucaawimooyinka masiibooyinka dabiiciga ah ee Turkigu samaynayo waxay kor u qaaday Sumcadiisa dhinaca dalalka Muslimka.