Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Aduun Waa Galinba Cayn .. M/Weynihi Mubaarak Marku Hadlo Laga Daba Qufici Jiray Oo Cataabay

Friday - August 12, 2011

Sida aan ka xiganay shabakada todobaad-laha ah ee la yiraahdo Rosaonline.net ee ka soo baxda cariga Masar ayaa wax ka qortay madaxweynihi hore ee Xusni Mubaarak oo sheegtay in dad loo fasaxay iney boqasho ugu tagaan isbitalka u jiifo Xusni Mubaarak ayaa laga soo xigtay war u siiyey oo u ku sheegay isagoo muregeysan xuuxuxda haya inu ka xunyahay tacab khsaaraha ku dhacay iyo heerka xun ee sumcadiisa taariikhda loogu dhaabay, waxuuna ka afeeftay hadalada xun xun ee lagu nabayo oo u yiri inta badan jawaab ma leh ka aamus mooye.

Madaxweynihi hore Mubaarak oo dadkaas soo booqday ku calaacalaya ayaa yiri;  xisaabta kuma darsan in Rag wasiiro ii ahaa oo aan aaminay intey ii guulwadeyeen iina garaaceen durbaan haragii ka qoyey ay anigii iyo shacabka na kala qariyeen, halkaasoo cawradeydi inta toosh weyn qaateen banaanka soo dhigay, waxaa hubaal ayuu yiri intaan dalka xukumaayey inaan gudcur gudahayey  tala xumo iyo garasho la'aan igu dhacday illa aan ku eedoobay shacabkii Masar, waxuu kalo warkiisa raacshay iney heleen xaasidiin midiyo u xabaalay, isagoo yiri waxaan is biday amase isu qaatay nin wax walba og, laakiinse u yiri waxaan ogaa ma jirin, oo haddi aan wax ogahay caanaha ay kuwaas ii soo barxeen "beenta" isma dhaafiyeen.

Isla jariidada ayaa qoraalkeeda ku xustay in Xusni Mubaarak u ku talo jiro inu qoro book runta daboolka looga qaadayo daliilo cad cadna wata u kaga sheekeynaayo taariikh nololeedkiisa, isla markaana u kaga afeefanayo hadalada taariikhda looga been-sheegaayo ee la rabo in suncadiisa iyo magaciisa lagu xumeeyo.