Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Koonfur Afrika Iyo Tanzaniya Oo Ku Biirtay Ka Soo Horjeedka Madaxbanaanida Somaaliland

Sunday - August 14, 2011

Dalalka Koonfur Afrika iyo Tanzania ayaa sheegay in aanay diyaar u ahayn in ay aqoonsadaan madaxbanaanida Somaliland, isla markaana ay u arkaan Somaliland gobol ka mida Soomaaliya sida ay sheegeen madax ka tirsan labadaas dawladood.
Kulan laba geesood ahaa oo ay maanta Magaalada Pretoria ku yeesheen wasiirka arrimaha dibeda ee Tanzania Mr Benard Membe iyo wasiirka Koonfur Afrika u qaabilsan cilaaqaadka caalamiga ah Miss Maite Nkoana Mashabane ayaa ay labada wasiir kaga dhawaqeen in dawladahooda aanay taageeri-doonin kala go’a Soomaaliya oo doorbidayaan in ay Soomaali ahaato hal dal.

Nkoana Mashabane waxa ay sheegtay in ay rumaysan tahay in Somliland ay qayb ka tahay Soomaaliya oo aanay dhiirigelinayn kala kala go'a labada dalkaas, isla markaana ay ka shidaal qaadanayaan Midowga Afrika oo aanay doonayen in ay kala diraan wadamada Qaarada.

Somalilnd inta aanu ognahay waa qayb ka mida Soomaaliya ma doonayno in aanu dhiirrigelino kala go’a, waxaan garab taaganhay Midowga Afrika, shaqo ka dhigan mayno in kala fogaynta midnimada, Somaliland waxay bishii May ee sannadkan u dabaldegtay sannad guuradii labaatanad ee ka soo wareegtay markii ay ka goosatay Soomaaliya inteeda kale. Ayay tiri Miss.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Tanzania Mr Benard Membe waxa uu sheegay in uu labada toddobaad ee socda gudahooda uu filayo in uu la kulmi doono wefti ka socda Somaliland, balse faahfaahin laguma sheegin waxa lagaga wadahadli-doono wadaxaajoodyada dhici doono.