Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Somaali Diinta Kirishtaanka Qaadatay Oo Lagu Soo Bandhigay Xaafad Soomaalidu Degto Stockholm

Monday - August 15, 2011

Xaafada Rinkebey ayaa shalay waxaa ka dhacay arin bulshada Somaaliyeed halkaa degta mucjiso ku noqotay ka dib marki Somaali macatab xiran isku sheegeysa in ay yihiin Masiixiyiin ay yimaadeen degaanka xafadaas oo ay ka bilaabeen in ay dacwo u jeediyaan somaalida kale ee musllimiinta ah oo halkaas ku nool.

Ragaan oo qaarkood ay idaacada sweeden la yeelatay wareysi ayaa sheegay in u soo adeegsaday ilaahooda ay ku sheegeen inu yahay Ciise Masiixi oo ay doonayaan in ay hordhigaan diinta ay qaateen walaalahooda kale.

Ragaan ayaa meesha waxaa ku soo bandhigay kaniisad Rinkebykeyrkan iyado la sheegay in goobta ay dacwada ka bixinayeen u buuq badan ka dhacay oo soomaalidu ay rumeysan-waayeen waxa meesha ka dhacay .. mid ka mid ah dadka dacwada wax ka fidinaayey oo magaciisa ku sheegay Cabdi Masiixi ayaa sheegay in ay ku socdeen Qorshe uu rabigood ugu tala galay in ay somaalida hordhigaan diinta masiixiga ay qaateen.

Arintaan ayaa xiisad abuurtay ma daama ay ragaan diinta ka baxeen isla markaana ay tahay bil Ramadaan oo barakeysan, sababta arintaan loogu soo beegay biisha Ramadaan ayaa la oran-kara mid daandaansi ah oo la doonaayo in lagu kiciyo shuucuurta musllimiinta.

Markii la eego magaalada Stocholm waa markii ugu horeysay ee soomaali diinta ka baxday ay si bareer ah u horyimadaan somaalida kale isla markaana ay is cadeyaan

By Eng. Mustafe Xaji- Stocholm