Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Geelaha Jamhuuriyada Jabuuti Oo Soo Gaaray Mogdisha

Tuesday - August 16, 2011

Madaxweynaha dalka Jubuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa goor dhaweyd ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyada oo ay halkaa ka soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta sare ee dowladda oo uu ku jiro madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo ah shaqsi si weyn ugu dhuun daloola arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa diyaaradii siday ay soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo ay halkaa ku sugayeen mas’uuliyiinta dowladda uu hogaaminayay madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

Madaweynaha Soomaaliya ayaa iyo waliba madaxweynaha dalka Jubuuti ayaa lagu wadaa in ay wada hadal ku qaataan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlli doona xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Jabuuti iyo waliba arrimaha siyaasada dalka iyo abaaraha.

Marka ka laga soo ago mas’uuliyiinta dowladda ee soo dhaweysay madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa jiray dad weyne aad u faro badan oo soo buux dhaafiyay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo gacmaha ku sitay sawirka madaxweyne Ismaaciil.