Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Aqoonsi Raadinti Somaliland Oo Dhaafi La' Koonfurta Sudan

Wednesday - August 17, 2011

Weftigii Somaliland ee uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo ee ay Xukuumaddu sheegtay inay Heshiis sadex geesood ah iyaga iyo Itoobiya ku soo galayaan Dalka Shiinaha oo shalay Addis ababa ku soo noqday ayaa la kulmay wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalkii dhawaan madax-banaanida qaatay ee Koonfurta Suudaan Mr: Deng lor inkasta oo aanay labada dhinac wax war murtiyeed ah ka soo saarin kulankooda.


Hasa-ahaate warar uu wargeyska Waaheen ka soo xigtay ilo xogogaal ah waxa ay wada hadleen sidii Somaliya iyo Somaliland wadahadalo loogu furi lahaa lagu kala furdaaminayo oo mid waliba Goonideeda isugu taagi lahayd sida Suudaan oo kale taasoo la sheegay wasiirka Arrimaha Dibeda ee Koonfurta Suudaan Mr: deng lor inuu madaxweyne siilaanyo u fidiyay casuumad oo dalkiisa ugu yimaado bisha Oktoobar kulan hordhac ah oo ay labada dhinac iskula eegi doonaan sidii arrintaas loo sii ambaqaadi lahaa.


Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu ka aqbalay wasiirka Arrimaha Dibeda ee Koonfurta Suudaan Martiqaadkiisaasi isla markaana dalkaasi u bandhigi doona qadiyadda Somaliland oo ay xogogaal u yihiin sidii ay ugu qancin lahaayeen Somaliya inteeda kale qadiyadooda Madax-banaanina loo siin lahaa.


Wasirrka Arrimaha Dibedda K/S ayaa la sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Dalkiisu Itoobiya u yimaadeen ka mid noqoshaha Dalkoodu uu si rasmi ah uga mid noqonayo Ururka AU-da ee Afrika oo uu fadhigoodu yahay Dalka Itoobiya kaasoo xaflad shalay lagu qabtay xaruntaasi ay Koonfurta Suudaan si rasmi ah ugu biirtay.


koonfurta Suudaan ayaa dhawaan ku balanqaaday inay ciidamo u dirayso Somaliya si ay u xoojiyaan Ciidamadda Midawga Afrika ee taageera Dawladda ku meel gaarka ah ee Somaliya, taasina waxa ay muujinaysaa sida ay durbaba Koonfurta Suudaan u qaaday dhabihii ay Dawladaha Afriki hayeen ee ahayd Midnimadda Somaliya.


Dhinaca kalena Qaramada midoobay iyo ururka Midowga Afrika ayaa wada dedaalo xukuumad Qaran loogu samaynayo Somaliya, waxaana la filayaa in qorshaha Dalalkaasi uu yahay sidii dalka gudihiisa loogu qaban lahaa shir balaaran oo ay dhinacyada somaliya oo dhami ka soo wada qayb gali lahaayeen, iyagoo isla imikaba wada dedaalo hordhac ah oo ay iskaga dab qaadayaan qaybaha Somaliya oo ay Somalind ku jirto. inkasta oo ay Somaliland ku gacansayrtay Hindisayaashaas ay wateen oo ay cadaysay Qaranimadeeda inaanay Gor-gortan galinayn.


Xukuumadda Koonfurta Suudaan ayaa isla shalay-ba la sheegay inay ugu baaqday labada Dal ee Itoobiya iyo Eratariya inay u furayaan wadahadalo ay ku dhex dhexaadinayaan khilaafka mudada soo jiitamayay ee ku dhex maray dhinaca Xudduuda kaasoo ay labada dal ku muransan yihiin Dhul buuralay ah oo ay qoloba gaarkeeda u sheeganayso.