Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Madaxweyne Bishaar Asad Oo Amar Ku Siiyey Ciidankiisa Iney Joojiyaan Hawlgalada Milatari

Thursday - August 18, 2011

Madaxweynaha Dalka Syria Bashar al-Assad ayaa sheegay in dhamaan ciidamada qalabka sida uu ku amaray in ay joojiyaan hawgalada ka socday wadanka syria oo ay iskaga horyimadeen shicib isbadal-doona iyo dowlada syria, Sidaa waxaa lagu xaqiijiyey warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada’midoobey Ban Ki-moon, waxaana la shaaciyey in labadan masuul ay ku wada xiriireen khadka taleefanka iyadoo madaxweynuhu u cadeeyey in uu istaajiyey dhamaan hawgaladii.

Madaxweyne Assad ayaa baryahanba Cadaadis ba’ani kaga imanayey beesha caalamka iyadoo Mudaharad-yaashuna ku doodaya in uu is hortaagayo rabitaanka shacabka Syria isala markaana u adeegsanayo Ciidankii wadanka oo si naxariis darro ah uula dhaqmaya shacabka, waxaase ila hada la ogayn waxay dibad-baxayaashu yeeli-doonaan marka ciidanku hawlgalda joojiyo.