Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Raiisal Wasaaraha Turkiga Oo Soo Gaaray Mogdisho Booqashna ku Tagay Xero Ay Ku Jiraan Barakacayaasha

Friday - August 19, 2011

Mogadisho- Xigasho Somaliweyn: Wafdigii uu Hogaaminaayay Ra’isulwasaaraha Dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa markii uu yimid isaga iyo wafdiii uu hogaaminaayay ka soo degeen  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxda Sarre ee dalka oo uu hogaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Wafdigani heerka sarre ee ka socda dowlada Turkiga, waxaana sidoo kalena madaxda soo dhaweysay wafdigaasi ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Labada Golle ee dowladda KMG ah.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa waxaa siday ilaa Laba diyaaradood kuwaasi oo ay saaranyihiin xubnaha Wafdigiisa ka mid ah iyo xaasaska Mas’uuliyiinta Wafdigiisa ka mid ah, iyadoo cutubyo ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyana ay Salaan sharaf Wafdigaasi iyo Madaxda dalkaba siiyeen, iyadoo Ururada Bulshada Rayidka ah ay si weyn iyaguna u soo dhaweeyay.

Ra’isulwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa socdaalkiisa ku weyhliya Marwadiisa, xubno katirsan golaha Wasiiradda dalkaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka dalka Turkiga,Dhaqaatiir iyo Fanaaniin si aad ah looga yaqaano dalkaasi.

Garoonka  diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday Munaasabad aad u balaaran oo lagu soo dhoweynayo Wafdiga Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa  lagu xardhay Sawirka Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale Callamada Labada dal ee Walaalaha ah, iyadoo markii la soo dhoweeyey kaddib uu Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga iyo Wafdigiisa ay booqasho ku tageen Xerada Rajjo ama Badbaado Laba ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ku jiraan Kumanaan Qoysas ah oo ay Abaarta dalka Saameeysay darteed uga soo barakacay gobollada dalka.

Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan ayaa u kuurgalay xaalada ay ku sugan yihiin dadka Barakacayaasha ah ee xeradaasi ku jira, iyadoo dhaqaatiirta la socotana ay durba bilaabeen inay baaritaanno caafimaad iyo Baxnaaninba u sameeyaan Barakacayaasha taasi oo ay bar bar socoto deeq la siinayo dadka Xeradaasi dadka ku jira.