Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Qoraaladii U Nabi Maxamed SCW U Diray Boqoradi Dawladaha Dariska La Ahaa Kuwii Ugu Caansanaa

Friday - August 26, 2011

Nabi Maxamed SCW isagoo ka faaiideysanaya fursadi Heshiiskii Al-Xudaybiyah waxuu si waday fidinti diinta islaamka isagoo markaan isticmaalaya hab kale .. habkaaso oo ah inu kala hadlo Boqorada iyo Madaxweynayaasha iney soo galaan islaamka .. hadafka uu Nabigu qoraaladaas u diray waxuu ahaa laba wax mid-kood  .. in Boqoradaas iyo Shacab-koodaba ay soo islaamaan, amase ogaadaan inuu jiro diin cusub .. diinkaasoo dadka ugu yeeraya Tawxiid, Nabadgalyo iyo Cadaalad .. arintaas waxaa ku jiray in Nabigu CSW uu qortiisa ka xoreeyo masuulliyada ka saarneyd in madaxdaas iyo shacbkooda uu gaarsiiyo dacwada ilaahay Subxaana watacaala, waxaana ka mid ahaa:

1- Qoraalkii Nabiga uu u diray Hiriqle oo ahaa boqorkii Ruum. markaaso hiriqle waxuu joogay Shaam, Nabigu SCW, qoraalkaas waxuu u dhibay Dixyah Bin Kalifa Al-Kalbi .. Hiriqle ma islaamin laakiin waxuu ka sheegay Nabiga iyo Risaaladiisa wax wanaagsan.

2- Qoraalkii uu Nabiga u diray Kisraa oo ahaa boqorkii reer Furus oo magaciisa la dhihi jiray " ibrawyz" .. qoraalkaas Nabigu waxuu la diray Cabdulaahi bin Xudaafa Al-Sahaami, markii loo dhiibay qoraalkii wuu jexjeexay .. dabadeed Nabigu marku maqlay inu qoraalkii jexjeexay ayuu ilaahay subxaana watacaala ooga baryay inu boqortinimadiisu burburto .. ilaahay subxaana watacaala waxuu aqbalay habaarkii Nabigiisa oo isla markiiba waxaa salad ku noqday inqilaabay isagiina dilay wiilkiisi la oran jiray shiirawayihi.

3- Qoraalkii nabigu SCW u diray Al-Maqowqis oo ahaa xaakimkii reer Qibdhi oo Masar .. Nabiga CSW qoraalkaas waxuu u dhiibay Xaadhib Bin abii Baltacah .. Al- Moqooqis ma islaamin laakiin waxuu Nabiga u soo diray hadiyooyin ay ka mid ahayd, Mariyah Al-Qibdhiyah, gabadhaas oo Nabiga SCW u dhashay wiilkiisa Ibraahim.

4-Qraalkii Nabiga Uu u diray Al-Najaashi oo Ahaa boqorka Al- Xabasha .. qoraalkaas Nabigu Waxuu la diray Camar Bin Umayah Al-Damari .. musliimiinta marku ka batay dhibka iyo cadaabka ka soo gaaray Mushrikiinti Qureysh, rasuulka ilaahayna uusan waxba u tari-karin, waxuu faray iney u hijroodaan dalka xabashada uu xukumo Boqor caadil ah,agtiisana aan qofna lagu dulmi karin .. asxaabti u qaxday xagaa iyo dalka xabashida waxay ka heleen Boqorkii wixi Nabigu SCW ka filaayey.