Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

M/weyne Siilaanyo Oo Ka Acuudu-bileystay Inu Tago Mogdisho Iyo P/Land Oo Aqbal Wac Ku Siisey

Saturday - August 27, 2011

War la xaqiijiyey oo inta badan aan ka soo xiganay wargeyska geeska afrika ayaa sheegaya in madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u gaashaanka ku dhuftay qorshe ay Qaramada Midoobay ula timid kaas oo ku saabsan inay Somaliland ka qayb gasho shir horaanta bisha dambe ee September ka dhacaya magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya kaas oo loogu magac daray shirka qaran ee wada tashiga Somaliya.

Warka ayaa timaamaya in Ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Danjire Christian Manahl, uu kulan khamiistii la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ugu soo bandhigay martiqaad rasmi ah si ay Somaliland shirkaas uga qayb gasho kaas oo ay u soo fidisay Qaramada Midoobay.

ilahaas warka ayaa xaqiijiyay in ergaygu isku dayay inuu Madaxweynaha ku qanciyo inuu aqbalo ka qayb galka shirkaas isagoo tusaaleeyay inaanay wax dhibaato ahi ugu jirin Somaliland. Laakiin sida ay ilahaas xogogaalka ahi u warameen Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Mr. Christian Manahl si cad ugu sheegay inaanu shirkaasi Somaliland khusayn islamarkaana aanay sinaba uga qayb geli karin.

Ma aha markii koowaad ee ay Somaliland ka jawaabto shirkan iyo ka qayb galkiisa, waxase ay hore mawqifkeeda ugu cadaysay ergayga Qaramada Midoobay Mr. Augustine Mahiga oo sida muuqata isku dayay inuu dedaal diblomaasiyadeed ku qanciyo Madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kale ilo kale oo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa iyaguna laga soo xigtay in Qaramada Midoobay Somaliland u qoondaysay 15 kursi oo ka mid ah wufuuda shirkaas ka qayb geli doonta.

Sidoo kale Raysalwasaaraha Somaaliya Digtoor Cabdiweli Maxamed Gaas, ayaa magaalada Garowe u tagay si uu Madaxweynaha Puntland ugu qanciyo inuu shirkaas ka qayb galo ..Mr. Faroole Puntland ayaa si weyn uga soo horjeeda in shirkaas lagu qabto Muqdisho iyo weliba inay maamusho dawladda Sheekh Shariif, laakiin Cabdiweli Gaas ayaa sida la sheegay isku dayay inuu ku qanciyo Puntland inay shirkaas ka qayb gasho, waxaana warko intaa raaciyey in faroole mabda'ahaan ogolaaday isagoo isla markaa aqbalay dhexdhexaadinta isaga iyo Sheekh Shariif lagu dhex wado .