Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Kala Mudan Turki Iyo Carab

Sunday - August 28, 2011

Inagoo ku jirna gabagabadii Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxaan ummada Muslinka ah u rajaynaynaa dambidhaaf, cadaalad iyo horumar. Umaadaas oo Somaalidu ka mid tahay, waxaaan Waynaha u baryaynaa inuu ka dul qaado maasibooyinka abaaraha, colaada iyo hogaan la’aanta, Ilaahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu ugu deeqo midnimo, walaalnimo, cadaalad sal u ah horumarada aadamaha waana mid ku cad diinteena, gaar ahaan sadarada Qudbadii u dambaysay ee Rasuulkeenii (SCW) ka akhriyay Buurta Carafa, qudbadaas oo runtii ah nuxurka Furqaan.

Maanta dadka afka soomaliga ku hadla intoodii badnayd waxay ku jirtaa dhibaatooyin macaluul oo barkatay xaalado colaadeed oo ka mid noqday dhaqan maalmeedka soomalida. Waa arin maanta shaqsi waloo somaali ah hortaal, waa arin inta marxaladaa ku jirin ilaahay ku eeganaayo, waa arin ninkii damiir leh heegan ka dhigaysa .. Horey waxaa loo yiri walaalkaaga dhabta ah waa kan ku barbarjoogsada maalinta dhibaato ee maaha kan indhahaaga ka bata maalintaad ladan tahay.

Waxaan jeclahay inaan halkan ku xuso muslimiinta aan Soomali ahayn halkay iska taageen macaluusha Somali ku habsatay. ilaahay ha ka jisaayi siiyee Hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan wuxuu noqday geesi muumin ah oo maalintii Somali ugu darnayd Hill raganimo leh, muslinimo leh oo ku saxeexan aadaminimo inoo muujiyay.
Waa hiil dadnimo, waa hiil nin damiirleh, waa hiil nin isku kalsoon, waana hiil iyo gurmad nin iimaan leh. Ficilka Erdoğan ma ahayn mid iidheh ah, ma ahayn mid dan gaar ah wata, ma ahayn mid cid lagu xumaynaayo balse wuxuu ahaa mid ka turjumaaya waajibaadkii Qof ahaaneed, waajibaadkii madaxnimo, waajibaakii aadaminimo, waajibaadka muslinimo dhab ah.

Erdoğan gurmadkiisu saddex dhambaal ama fariimood ayuu xambaarsanaa.

Dhambaalka hore wuxuu ahaa mid ummada soomaaliyeed uu ugu xaqiijinaayay inuu yahay walaalkood, sida xuquuqda aadame iyo mabaadiida runta ah ee islaamku farayaan. Dhambaalka labaadna wuxuu ku socday dunida muslinka gaar ahaan Carabta kan sadexaadna Reer Galbeedka

1. Fariinta ku aadan Soomalida

Somaliya markuu caqo dhigtay Raysalwasaare Erdoğan wuxuu yiri:" Waxaa faaftay aragti ah inaan la tagi Karin Muqdisho, waxaan isku dayay inaa tirtiro fikirkaas".

Waa hadal hadyad weyn u ahaa Soomalia iyo shacabkeeda nabada jecel. Erdoğan iyo xaaskiisu markay isdhextaagay dadweynihii soomaaliyeed wajigiisa murugaa ka muuqatay Ra’iisal Wasaaraha oo dhagahiisa ay ku soo dhacayeen ereyada uurka ka soo go’ay ee lagu soo dhawaynaayay ee ahaa: “Turkiya, ilaawi mayso taariikhdu”.

Markuu indhihisa ku arkay burburka caasimada soo gaaray, Erdoğan wuxuu ku balanqaaday inuu dhiso laamiga u dhexeeya garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada, wuxuu ku deeqay inuu dib u dhiso dhismeyaashii dawlada, wuxuu sheegay inuu dhakhtar weyn oo casri ah Muqdisho ka taagi doono. Halka kuu daran, nin kaa naxaaya oo daacad ah ayaa farta ku fiiqi karaa, sida Hogaamiyaha Turkigu inoo muujiyay

1. Fariinta khusaysa Islaamka iyo dalalka Carbeed

Dhanka kale socdaalka Erdoğan wuxuu ahaa fariin toos ugu aadan dawladaha islaamka ah gaar ahaan kuwan carabta ee ilaahayn haynta aduunyo ku manaystay. Sida qaalibka ah dawaa’ilka carabtu waxay sugaan ficilada ay muujiyaan reer Galbeedku markasay amuusaan ama afka xirtaan iyagoo ka tusaale qaadanaaya hadba dareenka reer Galbeedku aaminsanyahay. Somalia labaatan sano iyo dheeraad ayey burbursantahay waxayna ka mid tahay Jaamacada Carabta. Carabtu iska daa wax ay taraane, may dareemin in Dawlad islaam ah, dawlad rasmi ahaan Carab ah iyo dad ay jaar yihiin inay baaba’een oo col iyo abaaro ku habsadeen.

Saddex maalmood markuu Erdoğan Muqdisho ka sii maqan yahay ayuu Ina Cabdicasiiska Sacuudigu "taabiciintiisa" amar ku siiyay in Somaalida sadaqad loo guro. Erdoğan isagoon amar siin dadkiisa siin oon cidna khasbin ayuu shacbiga Turkigu dareemeen in Hogaamiyahoogu ka walwalsanyahay xaalada Soomalia, markaasay kaceen oy soo ururiyeen kalidood deeq lacageed oo ku dhow laba boqol oo Milyan oo qayb ka ahayd gargaar aan la qiyaasi Karin oo Turkiga ka yimid. Taliska Riyaadna bal aan sugno wuxuu dhalo.

 

 

Waxaa iyadna laftoodu amaan mudan dawlada Iiraan oo kaalinteedii si dhakhso ah oo mug leh uuga soo baxday sida Erdogaana Soomalida dhibaataysay Iraan way soo dul joogsatay waxaana matalaayay Wasiirkii Arrimada Dibada oo laftiisu watay Xaakiisii. Waa ficil muujinaaya hogaanimada Iraan iyo madaxdeeda oo 32 sanno ka hor ka xorawday inay amar ka qaataan reer Galbeedka.

Waxay u eegtahay jidkii islaam lagu ogaa in ay ku joogaan dawlado aan carab ahayn!
Waa hubaal in Erdoğan hortii Ismaciil Cumar Geele tagay Muqdisho, waana ficil xaqiijinaaya sida gaarka ah ee Madaxweynaha Jabuuti isagu xaalka Somalia u taabanayso, balse isagu waa nin jiidhku kuugu yaal oo garwaaqsan waajibaadka walaalihii ka saran.

Waana ehelka koowaad ee Qaranka soomaliya ee dhaawacu gaadhay run ahaan leeyahay. Madaxda Erdoğan la hadlaayana Madxweyne Geele kuma jiro waayo isagu waajibkiisii dad hortiibuu ka soo baxay, itaalkii intuu doono ha leekaadee.

3. Fariinta ku socota Reer Galbeedka

Haadaan dib u eegno haddaladii Erdogaan uu Muqdisho ka yidhi aan soo qaadano mar uu la hadlaayay reer Galbeedka, ilbaxnimada casriga ah ku faana wuxuuna yidhi: “The world’s response to the Somali crisis is a chance to prove that modern values are not empty”. Haddaan af reer magaal ku turjuno waxay la mid tahay “

Jawaabta aduunka ka bixiyo dhibta culus ee Soomalia ayaa ah fursada lagu cadayn karo inayna wax madhnan ahayn qiimaha ilbaxnimada casriga ah.”Si kale haddaan u dhigo nimanka Reer Galbeedka, Erdoğan wuxuu ku yidhi:” Cadeeya inaad dad wax qiimeeya oo adamenimada qiimeeya”.

Ereyadii hiilka ahaa waxaa kaloo ka mid ahaa :” Haddaan Turki nahay maan sugno waxay dawladaha kala ka soo yeedhi doona”. Caad ma saarna inuu hadalkaa ula jeeday dalalka Carabta oo marwalba ka dab qaata Reer galbeedka.

Guud ahaan ficilka Ray’iisal Wasaaraha Turkigu muujiyay waa mid xujo ku ah Reer Galbeedka oo gurmadkoodu marwalba siyaasadaysan yahay inkastoy aduunka ka dhaadhiciyaan inay hormood ka yihiin gurmadada aadaminimo. Xujadaas oo kale weeyi tan Erdoğan hordhigay dawladaha islaamka ah gaar ahaan kuwan Carabta.

Socdaalka Erdoğan ee Muqdisho oo durba midho dhalay iyo doorka shacbiga iyo dawlada dalkaasi ka qaateen gurmadka ummada Somaaliyeed waa mid ku xardhanaan doonna quluubta, maanka iyo xasuusta ummada soomaliyeed meel kastoy joogaan waana taariikh baal dahaba lagu reebi doono. Waxaana soomali u cadaatay xaqiiqada ah in TURKI iyo Carab kala mudan yihiin.

Mudane Ray’isal-Wasaare Recep Tayyip Erdoğan, MAHADSANID.