Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 7 May 2024

CIA-da Oo Dhirbaaxyo Kulul Wajiga Kaga Dhacday Markii Carabtu Diiday Soo Qabashada Islaamiyiinta

Tuesday - August 30, 2011

Sarkaal darajo sare oo ka tirsanaa hay'ada sirdoonka Mareykanka, isla markaana si gaara madax  mar ka ahaan jiray ciidamadi qaabilsanaa dabagalka iyo wararka la xariira halka gogoshu u taal  shiikhi Osama Bin Laaden ee dhawaanta la dilay, ayaa carabka ku dhuftay in talisyadi sirdoonka Mareykanka iyo kuwa ingriiskaba ay ku dhacday dhaban-hays, arax-jab iyo dhirbaaxyo kulul oo wajiga kaga dhacday ee aan horay loo arag ka dib markii cagihi ay ku roori jireen iyo indhihi ay wax ku arki jireen isla rogeen, waxaana sababay ayuu yiri madaxdi dawladihi hore Carabta oo arimahi is-kaashiga basaasnimada si muranli'i iyo duu-duuba ku liqi jiray wixi aan u soo jeedino iyo dhuunigi aan adeegsan jirnay oo maanta halkii ka baxay.

Mr.Maykal Shuwer oo isagu hawshaas dabagalka argagixisada u xilsaarnaa ayaa yiri, kacdoonada ka dhashay dalalka carabta khasaaro weyn ayaa ka soo gaartay sirdoonada reer galbeedka oo maanta ma jiraan cid kula dhacda dalalka carabta in ay la shaqeyaan hay'adahaas, amase soo dhiibikara dadka iyagu ku suntan islaamiyiinta iyo nin looga shakiyey al-qaacida

Mr. Maykal waxuu kalo warkiisa raacshay in horay ay dhici jirtay in naloo soo dhiibi jiray wadaadada amase shakhsiyaadka lagu tuhunsan-yahay argaixisada si aan u wareysano, halkaaso ayuu yiri aan ka heli jirnay warar dheeraad ah oo la xariira fikirka culimada islaamka, hasa ahaate iminka sidi ay  kacdoonada uga dhaceen dalalka ay ka mid yihiin Masar, Liibiya,Yaman iyo Tuunis waxaa la waayey ciid lala kaashado soo qab-qaba-shada islaamiyiintaas wajiyaasha dawladahaas oo is badalay awgeed, arintaas oo nagu noqotay ayuu yiri af kala qaad iyo kadaro dibi dhal.

Mr Maykal ayaa warkiisa ku soo gabagabeeyey oo yiri ma ogi arini sey noqone, laakiinse koleyba sirdoonka mareykanka xeel uma waayo danaha u leeyahay sidi u ku gaari-lahaa.