Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Ciid Mubaarak .. Wey Ahaate Maanta Si Wanaagsan U Ciida

Monday - August 29, 2011

Bahda shabakada Galdogob Times waxay maanta idin leedahay hadaad tihiin dhamaan umadda Somaali meel aad joogtaan-ba, gudo iyo dibadba Ciid Mubaarak, Ciid Wanaagsan .. Kuli caam wa antum bil-kheyr .. ilaahay sandka cusub ha inooga dhigo kii aynu ku reysano, ee aan kala kulano Barako iyo Kheyr, Nabadgalyo, Horumar, Barwaaqo, iyo Caafimaad ay ku waarto Somaaliya gabi-ahaanba, idanka alle ka guuleysano cadawga kasta ee umada Soomaali leedahay, mid qalin iyo carab ku dagaalama, kuwa qoriga u sita burburinta jiritaanka Somaaliya.

Sido kale Allaha ha naga qabto kuwa dalka la doonaya kala go'a iyo xumaanta, iyo siiba  munaafaqiinta laba carableynaya ee shisheeyaha kolba dhinac ula qooqaya, laba midab-layaasha hadba meel rinji iska mariya iyo shuush oo dhan nooc u yahay-ba alaaha naga ilaaliyo oo iyaka dib ha ugu celiyo waxay la socdaan .. anagana kuwi daayin bogooda subag isu mariya ee meel uga soo wada jeesta danahooda, xumaan iyo wax daran iska qabta, wanaag is fara isku duuban iskuna kalsoon

Intaa dabadeed waxaan halkaan idi ku xasuusinaya heesti Ciida Alla Maanta ayaanta ee ku soo dhawaada

1- Alla Maanta Ayaanta, Iyo Ciid Wanaasan .. ilaaheen Ina Siiyey, Isagaa Ku Abaal Leh

2- Arday Aad U Bax Moodo, Odayaal Talinaaya .. ilaaheen Ina Siiyey, Isagaa Ku Abaal Leh.

            Wey Ahaate Maanta, Si Wanagsan U Ciida

3- Calankeena iftimay xidigtaa Ku Asteysan .. ilaheen Ina Siiyey, Isagaa Ku abaal Leh.

              Wey Ahaate Maanta, Si Wanagsan U Ciida