Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Dhambaal Side Mr. Gadaanof Ee Raashka Oo Ganafka Ku Dhuftay In Dab Iyo Baaruud Lagu Hursho Suuriya

Wednesday - August 31, 2011

Dhambaal side mr.Gadaanof isla markaana ku magacaaban ku xigeenka Wasiirka arimaha dibada ee dalka Raashka ayaa maan-gaabnimo iyo macnadaro ku tilmaamay colaad baafinta iyo khidadaha shirqoolada qaawan ee lagu hayo arimaha gudaha Dalka Suuriya ee iminka la daala dhaceysa mixno iyo naar-afuuf ay ka danbeyaan gacmo shiisheeye.

Mr.Gadaanof oo todobaad-kaan ergey ahaan loogu soo diray u kuur-galka xaalada ka sare oogsatay  cariga Suuriya ee halkaas ka jirta ayaa ugu muuqatay in doc ka weerka lagu hayo Madaxweyne Bishaar Asad ay tahay mid dareen ku jiro oo ay tahay meel reer galbeed daab ku leeyahay oo la doonaayo in madaxweynahaas lagu sanduleeyo sidi xukunka un looga ridi-lahaa, iyado ayuu yiri wixii sharci lagu heli-lahaa la door bidaayo in shanta lagu helo.

Mr. Gadaanof ayaa hadalkiisa raacshay oo yiri Raga mucaaradka waa iney wada hadal dawlada miiska ula soo faristaan oo la iska daayo hadal daroorin aan daacad ahayn iyo luquntaaga, lana qaato heshiis shacabka u dana, isagoo islamarkaa carabka ku dhuftay in Bishaar Asad u isagana dhinciisa is-diiqeyn balse laga doonaayo inu muujiyo sabir iyo gogol xaar sidi loo xalin-lahaa danta guud ee shacabka oo Beebaha iyo Kaaraha aysan xal noqon.

Madaxweyne Bishaar Asad oo ka mahadnaqay nasteexa iyo fikirka caafimaad qaba ee u la yimi Mr. Gadaanof, isagoo yiri wax alaale wixii wax ku hagaagaya waanu fulineyna, waxuuse hadlkiisi ku daray oo yiri dawlado ayaa jira diin ahaan ugu iftoday mudaaharaadka silmiga inu Diin ahaan yahay xaaraan iyo kuwa aan dalkooda dastuurba iyo qawaaniin lagu hirto lahayn baa rab iney habaas iyo quraanjo nagu kiciyaan .. kuwaaso sida muuqatay Bishaar u ula jeeday Dawlada Sacuudiga iyo Tan Qadar oo iyagu si bareer ah mucaaradka Siiriya u garab-taagan.