Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 7 May 2024

Gaalkacyo Oo Dhiigu Hibiqley-naayo

Thursday - September 1, 2011

Gaalkacyo: Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in halkaas u ka jiro xaalad is ku dhac oo u dhaxeeya ciidamado beeleed u badan maalin-qayil loo adeegsado ee Puntland iyo shacab ka mida beesha leelkase oo degan xaafada Garsoor, waxaana la yiri isku dhacaas waxaa keenay ciidamada oo si anshax daran iyo falal dugaagnimo kula dhaqmay dhallinyaro goob ganacsi wax ku gadaneysey, dabadeedna markii lays haraatiyey xabbadi ay faraha ka baxday.

Xaaladaas labada dhinac oo iminka hiin-raageysa ayaa la sheegay labada dhinac ay ka dhinteen ilaa tobaneyo hilibkoodu bood-booday iyo dhawac tiro beelay, warka ayaa intaa ku daray in ciidamada Puntland markii dhinaca laamiga laga talaabsiyey lana baacsaday ay gurmad askar maalin-qayil kale la soo daadsho weydiisteen xagaa iyo Garowe, lamana garanaayo sida iyo qaabka ay u hiilin-doonaan ciidamadaas ku soo wajahan xaafada Garsoor, halka dhinaca Garsoor ay bilaabeen gurmad col iyo barnaamijyo loogu talagalay difaac guudka iyo hoosta gees ka gees garan-garinta hub gurada guryaha laga buuxshay, iyo hub wixi galaa-baxay meel lagu aruurinaayo hegan iyo xabad la yuurar ... wixii soo kordha nagala socda halkaan.