Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Warkii Labaad Ee Ku Saabsan Dhiiga Gaalkacyo Hibiqley-naaya

Thursday - September 1, 2011

Galkacyo: War xaalay goor dambe na soo gaaray oo la soo sheegay in saaka waabarigi ciidamada Puntland ay weerar badrad is-maqiiq ah ku soo jiheeyeen degaankii xaafada Garsoor ee ay dagan-yihiin beesha Leelkase, waxaana halkaas ka dhacaya oo la maqlaya belal rasaaseed,balo qiiqeysa iyo boobayaal dhadhaa leh dhinac kasta u dhaceysa oo wax yeelo geeysatay.

Dhinaca kale ee Garsoor oo iyagu horeyba hegaan difaac ku ahaa gobaha ay ku sugan-yihiin ayaa si fiican oo mitid ah iyo xarfado baas isaga caabiyey weerarkaas gardarada ah, illa hadda oo aan warka qorayana dagaalkaas oo lagu hoobtay waa u socda, waxayna u muuqata mucjisooyinka daahsoon reer Garsoor inaan laga macaashi-doonin.

Wararka kalo oo naga soo gaaray ayaa tilmaamaya in odayaasha iyo waxgaradka iyo Rag jamaamirta murtida degaanka u ah ee beelaha dega magaalada Gaalkacyo ay si xun u  cambaareyeen talaabada gardareysiga, fitnada iyo miineynta u horseeday C/raxmaan faroole xeerna ka dhigay qor gooyo iyo dagaal u dib uga shalaayi-doono, waxaana warku intaa ku daraya in markii ay odayaasha la hadleen hororka C/raxmaan Faroole inu fahmo nabada oo xisaabta dib u rog rogo waxuu yiri dagaalka ma joojineyno oo dhuuxa mooye wax kalo ii dhadhami-waaye  ... wixi wara soo kordha la socda