Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Somaalida Ku Nool Switzerland Oo Banaanbax Ka Sameysay Sharciga Nambar "F" Ee Hooseeya

Wednesday - September 7, 2011

Switzerland- Kumanaan Somalida iskugu jirta dhalinyaro, waayeen, dumar iyo caruur oo Ku Nool Dalka Switzerland ayaa maanta iskugu soo baxay Guriga looga taliyo dalkaasi ee Barlamaanka ee ku yaala magaalada Bern Caasimada dalkaasi.
Dadkan oo ka cabanayay sharciga uu dalkani siiyo somalida qaxootiga ah sharcigan oo ah sharci F loo yaqaano, islamarkaasina ah mid aan xuquuq aanu lahayn qofka haytsaa.

Somalidan oo ka kala timid 26 Gobol ee uu dalkani ka kooban yahay ayaa shucuurtooda ku muujinayay sida ay uga xun yihiin iyaga oo dalkoodu aanu wax dawlad ah oo si toos ah uga shaqaysaa aanay jirin, balse dalka ay magan galyada ay waydiisteen aanay sii aqoonsigii qaxootimo.

Kumanaankan Somalida ah ee maanta iskugu soo baxday xarunta Barlamaanka dalka Switzerland oo sitay Calanka Somaliya iyo Calamada Gobolada Dalka uu leeyahay, iyaga oo k dhawaaqaya F dooni mayno oo ay kor u hayaan sharciga la siiyay ee F. Sharcigan ayaa ah mid iska hooseya oo aan ahayn aqoonsi qaxootinimo, kaasi oo xitaa gobolada qaarkood aanu qofku ku shaqaysan karin hadii uu sito sharciga F.

Mar wax laga waydiiyay dadkii ka midka ahaa ee qaban qaabada Mudaharaadka waxuu hadalkiisa ku sheegay in la isugu imaanayo iskugu Barlamaanka hortiisa waxaanu ka cabanaynaa dhibaatada Somalida soo gashay wadanka ka haysata sharciga kaasi oo wax rajo ah aanay ku lahayn wadanka wax shaqo ahna lagu siinayn oo ay ku nool yihiin nolol aad uga liidata Somalida kale ee ku nool Yurub inteeda kale dhinaca sharciga.

Isku soo wada duuboo Somalida ku nool Dalka Switzerland ayaa mudadii ugu dambaysay bishii Ramadaan is abaabulayay sidii ay xaqa ay dalkan ku leeyihiin ay Magan galayada waydiisteen ay uga heli lahayeen xaqooda.

Banaanbaxan oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa wax uu u dhacay si aad u saraysa, waxaanay socod kaga soo bilaabeen canterka Caasimada Bern iyaga oo ku luuqaynaaya Somaliyooy toos tooso isku tiirsada heestii astaanta Calanka Somaliya.