Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Guud Ahaan Xaalada Garsoor .. Gaar ahaan Waxa Socda

Wednesday - September 7, 2011

Mogdisho- Garsoor-Gaalcayo: wararka iska so daba dhacaya maalma-haanba ee soo gaaraya News Desk Galdogob Times ayaa inta badan tilmaamaya in xaalada guud ee Garsoor ay hadda xasiloontahay, oo ugu dambeysti wadadi soo galeysay gaalkacyo ee xaga mogdisho dib loo furay, hasa ahaate ay weli jirto kala digtoonaan, waxaase laga war-dhawraaya salaadiinta dhaqamedka hawlaha san ku suntan caqli saliimka leh iyo aftahanimada ee iyagu isu-xilqaamay wax ka qabashada jabkii iyo halaagi dhacay ee uu ka dambeeyey Ninka tunkiisa daawaday ee Faroole.

Ergadaas camiray goobta shirka wajiyaal niyad-samaan iyo yididiilada badani ka muuqato oo markoodi horaba ku guuleystay xabad joojinta, ayaa hadda ka gudbay wardigi la isu-rogaayey iyo wacdigi la is-farayey oo iminka markii ay soo gaaraan inta ka maqan ergada ayaa sida la sheegay  loo dhaa-dhacaya falaaqeynta qodobadi muhiimka ahaa ee shirka, oo marka hore ku saleysan  dhageysadka dacwada reer Garsoor iyo eedeyntooda dawlada Puntland, waxaana rajo laga qaba in alle waafajiyo turxaan-bixinta iyo halka ay mushkiladu ka qurun-santahay oo dhinac kasta qancisa waayo ergadu maanta waxay u fadhiyaan gar cadaawo oo ah wax laga yaq-yaqsado oo arlada ku cusub , wixii maqlay ka akhristay walaa-xawla .. oday dhaqmeed aan kala hadlay meel u dhaw goobta shirka, ayaa igu yiri xaaladu hada waa bilow oo ma laha natiijo la saadaalin-karo, waxaase la rajeynayaa in wixii umada dabka kala dhex dhigay oo dhinacyada ku abtirsada lala xisaabtami-doono, isagoo intaa raaciyey oo yiri, wey dhamaatay is-macneyn iyo hadba dhinac ka imaansho, sheeko la dado, khiyaamo la isku dayo, sasabasho la isku beer-laxaawsado.iyo iyado hadba koone laga soo wareego, waxaa shirka looga fadhiya ayuu yiri sidi ay dheeli-tir uga mira dhalin-lahaayeen go'aana uga gaari-lahaayeen Nin madax isku sheegaya ee ku af-gobaadsanaya shaabada Shabaab, raba xumaan iyo samaan labadaba lagu taageero oo aan mar qura la oran waxbaa kaa qaldan iyo shacbka loo weeraray sidi saan-saanti dagaalkii labaad ee aduunyada ee al-Cala mayn .

Dhinaca kale dadkii dhaawaca loo geystay ee dhinaca Garsoor wixii il daraa intoodi badnaa waxay noqdeen wax loo qaado isbitaalada Nairobi oo halkaas lagu dabiibaya, kuwa kalana Mogdisho ayaa la keenay, waloow intaa in la le'eg oo dhaawacoodu sahlan-yahay loo qaaday isbitaalka Degmada Galdogob ee dhawaanta la furay .. sida la xaqiijiyana dhaawacyadaas waxaa si fiican door weyn uga qaatay ehelkoodi qurbaha joogay oo gurmad u sameeyey

Waxaa iyadana miiskaan wararka soo gaaray codsiyo la yiri naga gaarsi mahad-naqayga shacabka iyo maamulada sida tooska u cambaareyey duulaanki ku habsaday Garsoor, iyo kuwa u xusuldoobtay xabad joojinta kana soo saaray baaqyada nabadeed, sida madaxweynaha Galmudug Mr.Caalin, boqorada iyo salaadinta guud ahaan Majeerteen, Sade, Dhulbahante, Awrtable, Xawaadle, Warsangali, Meheri iyo tiro aan la soo koobi-karin oo ka mida beelaha Somaaliyeed ee nabada jecel, waxaase jaaliyada beesha waxa laga xumaada ah ku tilmaantay kuwa afarqaadaya oo ah dad ilaahay iska wato, oo aan waxba garaneyn, iyagu isu rooneyn kala garan karin xumaanta iyo wanaaga iyo dantooda waxa duleynaya, oo dulmi hadana u hiilinaaya, afkooda qaban-waayey sida Mustafa Dhuxulow iyo kuwa la mida ee iska haw-hawleeyey iyo kuwa iyagana sidi Raha haro guudka ka xarfaneysa ka dhex waaq leh .. daaya indhaha ha iska soo ridaane, waqtiga ayaa mandiil af badan indhaha uga jeexi doona boqol faynuusna u siraadi-doonta .. Dhuxulow aan ku weydiine yaa ku soo adeegsaday? sidaa waxaa yiri rag beesha ka mida oo faalo ka bixiyey hadaladaas soo yeray.  

Waxaa kalo beeshu tiri waxaa wax laga xumaada ah wadadkii Shiikh Shariif  iyo kuwa la taliyaashiisa ah oo ka aamusay xanuunka xasuuqaas.

Isla markaa warar kale ayaa carbaabaya in jaaliyadaha beesha tanade/lelkase dacalada caalamka ku sugan ay weli kulamadoodi u socdaan .. waxaana talada guud la isku raacay in si waajib ah wada jir wax loo qabsado oo ay tahay in nabada la xoojiyo buuq aan cilmi ku dhisneyna intii la yaren-karo la soo af-jaro, waxaase weli la isla meel dhigin fikrado la soo bandhigay oo ah in beeshu sameysato  cutubyo maleeshiyo oo qaabka abaabulka iyo hawlgalada Xisbu-laahi lubnaan uga eg, hasa ahaate Principle ahaan ka duwan, taaso raga fikirkaas qaba ay leeyihiin suragal ma aha in lagu fakaro nabad amase maamul goboleed gaara iyadoo aysan jirin ciidan carbisan oo hiiliya, raga iyagu  qorshahaas la yimi waxay tixraaceen xikmada tiraahda ka baro qaladkii shalay oo dad iyo duurba waxaanad fileyn baa kaga soo baxa  ..  yaa beri balan-qaadaya inusan imaan mid ka daran faroole oo aan dacfaruur iyo dhikh-dhikh la imaan-doonin? .. waxaa kalo rag kale ay iyagana soo jeediyeen in ereyga Garsoor lagu sunto magaca maamul State ma daama ayey yiraahdeen waa magac caalamka ka hirgalay oo loo aqoonsan-yahay beesha .. falsafada labadaas aragti si ay u baaluqdo  waxaa dib loogu dhigay in loo dad badsado.