Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Boliska Dawlada Degaanka Somaalida Itobiya Oo Qabtay Hub Iyo Saanad Loo Wado Jabhada ONLF

Thursday - September 8, 2011

Hargeysa – Ciidamadda booliska dawlada deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa xuduuda u dhaxeeeya dhinaca Somaliland iyo Itoobiya ku qabtay laba nin oo ganacsade ah, kuwaas oo la sheegay inay hub u sideen jabhadda ONLF.

Labadan nin ee ganacsatada ah oo ciidamadda booliska kililka Soomalida Itoobiya ee loo yaqaano (Liyuu boolis) qabteen ayaa waxa laga soo saaray qalab ay u sideen kooxda dawlada Itoobiya la dagaalanta ee ONLF, qalabkaas oo la sheegay inay meel ku aaseen markii ay ogaadeen in lagu daba jiro.

Warbaahinta ismaamulka Soomalida Itoobiya ayaa baahisay in labada nin ciidamadda Liyuu-gu qabteen markii ay dhanka Itoobiya u gudbeen, ka dib markii sida warbaahinta Itoobiya sheegtay ay ka war-heleen in ganacsatadaas oo ah kuwo sida kootarabaanka ah alaabta u galiya gudaha dalka Itoobiya ay sidaan qalab ciidan oo sharci daro ah.

Warbaahinta kale ee Itoobiya sidoo kale waxa ay sheegtay in labada nin ee la qabtay ay muddo ku daba jireen ciidamadda sirdoonka ee kililka Soomalida Itoobiya, isla-markaana markii la qabtay ay ciidamada u sheegeen halkii ay ku aaseen qalabkii ay u sideen jabhadda ONLF.

Ganacsatadan oo Warbaahinta Itoobiya aanay sheegin inay Somaliland u dhasheen iyo inay Itoobiyaan yihiin ayaa waxa magacyadooda lagu kala sheegay Faysal Good Cabdi iyo Baashe.

Labadan nin ayaa qalabka lagu qabtay waxa ay kala yihiin, 3-HF Radio, 3-Solar, 9-Bayteri, 7-Icom Radio, 1 qori, rasaas iyo dhar badan.