Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Abwaan Axmed A.Takar Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Ku Aadan Qalalaasaha Garsoor- Puntland

Friday - September 9, 2011

Marka hore salaan ayaan u tabinaya dhamaan umada Somaaliyeed gaar ahaan shacabka Reer Puntland meel ksta oo ay dunida kaga noolyihiin

Marka xigana aan tebiyo dareenkeyga ku aadan dagaalka lagu hoobtayee u dhaxeeya beelaha walaalahaa ee wada dega waqooyiga iyo galbeedka Gaalkacyo... anigoo leh : "waar toloow colka jooja" oo wax iskula hara meelay saldhigan arrini allaa oge.. oo yaan lagu shalaayin : "tol beelaye waa igu dhimay oo iga dhimay"
 
Maxaa sababay dagaalka?
 
Marka laga yimaado fasiraada gurracan ee maamulka Puntland ka bixiyey dagaalkan iyo wixii sababay oo ay ku sheegeen iney kooxo al-shabaab baacsanayaan , taasoo aad uga fog xaqiiqda runtaa ee jirta , balse maamulka Faroole waxa uu baacsanayo ee isugu keenay awoodiisii ciidan oo dhan waa raggii wadanka difaacay waqtigii uu faroole ku raaxaysanayey Australia , khaliif ciise mudana uu Booso ka laa :"boowe ma durba"

Hadaanse soo koobo sababaha dhabtaa ee dagaalka waxaan oran karnaa :
 
1:Gar-eexo : oo waa caddaalad daro baahsan oo ay tabanayaan walaalaha reer Garsoor ,
iyo weliba guddoon iyo gar-eexo dusha looga riday oo ah iney Argagixiso iyo al-shabaab yihiin .
 
2: Gacan maran: oo waa qeybtii ay ku lahaayeen deeqda caalamigaa iyo canshuurta laga qaado
oon koob shaaha looga shubin ,deegaanadooda iyo dadkoodana aan dib loo eegin.
 
3:Godob iyo kala- shaki : oo waa iyadoo labada dhinac markii hal-doorkii iyo waxgaradkii laga
laayey uu qoloba qolada kale tuhun ka galay .
 
4:Gacan saddexaad : oo har iyo habeen usoo jeeda sidii ay isugu dhici lahaayeen beelahan
walaalaha ah oo dhiiga , dhulka iyo dhalashaduba ka dhaxeyso.
 
Yaa ka masuul ah waxa hadda dhacay?

Waxaan shaki ku jirin in eedda iyo masuuliyadda dagaalka ka socda Gaalkacyo ey leedahaylagulana xisaabtami doono maamulka Puntland daaraha iyo dabaqyada uu dhulka la simay iyo dadka rayidkaa ee meydkoodu jidadka daadsan yahay .
 
Mudane Faroole haddey kaa gadmatay beesha Garsoor degta ood u maleysay qaxooti marti ah oo bay iyo bakool ka yimid aan ku xasuusiyee : "war nimanku waa Gaas-dhagoolihii ee miyaadan aad u garaneynin"..
 
Weliba xisaabta ku darso iney beesha garsoor  ay yihiin muwaadiniin xalaala oo usoo halgamay
asaaskii Puntland  iyo difaaceeda iyo horumarkeedba  aysana kaa is-taahilin  inaad muruqaaga
ku tijaabiso halka gobolkii SOOL ee muruqa lagaaga qabsaday uu weli kaa maqan yahay ,
mar labaad aan ku xasuusiyee  :  "war nimanku ma iyagaa marti ah soow libaax soo mintaday maaha"                      

Qalinkii:  Ahmed Aden Takar
                                       [email protected]