Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Jimcihi Sixitaanka Kacdoonka .. Safaaradi Israil Ee Dalka Masar Oo Cagta La Mariyey

Saturday - September 10, 2011

Dhalinyar aad ugadoodsan oo ka mid ah dhalinta kacdoonka Dalka Masar aya ku guulaystay inay galaan Safaada Yahuuuda e Dalka masar , kadib marki ay shalay ku baqeeen in laysku soo urusado fagaaraha wayn ee ”Saaxatu Xoriya” , halkaas oo ay ku tukadeen salaadii jimce , iyaga oo ula magac baxay jimcahan Jimcihii sixitanka kacdoonka ,

Hadaba waxa goobtaas iskugu yimi boqolaal kun oo qof , halkas oo ay duulimaad xoogan ku qaadeeen sidii loo dumin lahaa Gidaar aad u adag oo lagu harereeyay Safaarada Yahuda ee Qahira,

Hadaba halkaas ayaa waxaa iyana isugu yimi kumanaan ah Poliska la dagalanka rabshadaha , kaas oo isku dayay sidii uu u kala eryi lahaa Weerarkaas culus ee safaarada yahuuda ku wajahan ,

Gadoodka dhalinyarada ayaa ahaa mid aad u kulul, kaas oo Poliskii waxba ka qaban kari waayay,

Waxaa la sheegayaa in halkas dad badani ku dhaawacmeen, laakiin Gadoodkii dhalinyaradu aanu hakanin

Dhalinyaradaas gadooodsan ayaa isla markiiba ku guulaystay inay dumiyaan Gidaar ad u adkaa oo lagu xeeray safaarada yahuuda

Hadaba xalay saacadihii dambe ayaa dhalinyaradaasi ku guulaysteen inay si tooosa u galaan qolalka lagu kaydiyo waraaqaha sirta ah ee safaaradu leedahay , halkaas oo ay daaqada kasoo qubeeen kumanaan waraaqood oo sir ahaa

Gadoodkan dhalinyarada dalka masar ayaa ahaa mid ay sababtay caro badan oo ay u hayeen Dawlad Israil , kadib markii 5 askari oo ah kuwa xuduudka ilaaliya ay Israil ku dishay xadka u dhexeeya dalka Masar

Hadaba Xukuumada Israil ayaa safiirkeedii Masar u joogay kala soo baxday kadib markii Cagta la mariyay Sadaaradaas

Waxaanay wararku sheegayan in raysal wasaraha Yahuudu si dag dag ah ula hadlay wasiiirka Difaaca eee Mareykanka , halkaas oo uu ka dalbaday in gurmad dag dag ah oo ilaaliya safaarada yahuuda la garsiiiyo halkaas

Sidoo kale madaxwayne Obama ayaa isna dhaleeceyay Gadoodkaas lagula kacay safaarada Yahuda eee Qaaahira.