Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Gudiga Garsoor Justice Oo Fariin U Diray Dhamaan Dadkii Uu Xasuuqa U Geystay Maamulka Faroole Ee....

Saturday - September 10, 2011

Gudiga Garsoor Justice- Melboure-Australia- [email protected]

Melboure-Australia: Anagoo ah Gudiga Garsoor Justice ee fadhigiisu yahay magaaladda Melboure ee dalka Austaraaliya waxaan halkan fariin uga diraynaa dhamaan dadkii xasuuqa khasaaraha kala gedisan lahaa ee isugu jira dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed ay gaarsiiyeen maamulka Cabdirahmaan Faroole iyo maleeshiyaadkiisa, kaa soo ahaa xasuuq lagu qiimayn karo inuu la mid ah kuwii ka dhacay Wadamaddii Balkanka ama Yurubta bari ee Isirka iyo Diimaha ku saleysnaa ee Yugoslavia la isku odhan jirey ( Bosnien-Herzegowina, Croatian, Serbian, Sloveniya, Macedonian, Montanogaro iyo kosovo). Dadkii geystayna ama fuliyeyna ilaa maanta Caalamku isku meel uga soo wada jeestey oo Maxkamado la soo taago (UN-Tribunal in Dan Haag).

Fariinta aanu u dirayno dadkii khasaarihii kala gedisnaa ee isagu jirey dhimashada ,dhaawaca ,burburka iyo bililaqada hantiyeed ku dhaceen ayaa waxay tahay in aanu helno cadaymo buuxin kara Gal-dacwadeedka isla markaasna tilmaani kara xasuuqii meesha ka dhacay , aydoo lagu cadeynayo Sawiro, Vidoo – flims laguna soo gudbin doono cinwaankayaga aha [email protected] . waxaau kala saarney saddex qaybood ( 3- Category).

1. Dadkii ku dhintey:

Dadkiiku dhintey dagaalkii xaafada Garsoor maalmihii 1 Khamiis iyo 2 Jimce ee Bisha Sebtembar waxaanu ka codsaneynaa Waalidiintii iyo qaraabadii ay ka dhinteen inay noo soo gudbiyaan .

a) Magaca marxuumka dhintey oo sadexan, da´diisa , haddii intii uu noolaa sawir ah la helayo, Saacaddii iyo maalinta uu dhintey iyo goobta uu ku dhintey.

b) Waalidkiisa , walaal, Xaas ama qaraabo dhow haddii uu lahaa iyo Telfoonka ama email laga soo xiriiro.

2. Dadka dhaawaca ah:

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii xaafada Garsoor maalimihii 1-2 Bisha Sebtembar ee kula baahsan magaalooyinka Galdogob, Muqdishu (Xamar), Nairobi-Kenia iyo kuwa Gaalkacyo Guryaheeda lagu daaweynayaba waxaanu ka codsanaynaa inay noo soo gudbiyaan .

a) Magaca qofka dhaawaca ah oo sadexan, da´diisa, sawirka qofka iyo meesha uu dhaawacu uga yaal oo sawir ah, saacada iyo maalinta uu dhaawacmey iyo goobta uu ku dhaawacmey.

b) Kuwa lagu daaweynayo Cisbitaalka Amisom, Isbitaalka Martiini iyo Isbitaalada kela ee ay DFKG ay maamusho ee ku yaal Muqdishu(xamar) waxaanu ka codsanaynaa inay masuuliyiinta maamushaa oo daaweynaysa dhawacayaddas inay noo soo cadeeyaan dadkaasi inay dad shacab ah yihiin ama Argagixiso ah yihiin. Sidoo kale kuwa magaalada Nairobi-Kenia lagu daaweynayo.( Qof Argagiso ah Cisbitaal Dowlo ama Dibadeed laguma daaweeyo).

c) Magaaladda aad ku sugan yahay waqtigakan oo lagugu daaweynayo iyo Telfoon ama email lagala soo xiriiro.

3. Dadka Hantidu kaga burburtey:

Dadka ku hanti belay ama uu ku dhacay burbur dhismayaal meheradeed ee dagaalkii 1-2 bisha Sebtembar ka dhacay xaafada Garsoor waxaanu ka codsanaynaa inay noo soo gudbiyaan.

a) Magacaga oo sadexan, da´daada, hantida kaa burburtey ama lagaa biliqaystey inta ay waxyeello la eg´ tahay, adigoo Sawiro ama Vedio-flim ku cadeynaya, goobta ay ka dhacdo xaafada Garsoor, haddii aad haysid muuqaal ama sawir dagaalka ka hor ah.

b) Mulkiilaha hantida burburtey Telfoon ama email laga la soo xiriiro.

Waxaanu ka codsanaynaa dadkii dhamaan waxaas aan soo sheegnay ay ku dhaceen in ay noo soo gudbiyaan cadaymahaas inta ka horaysa 20-09-2011 , markaas oo uu Gal-dacwadeedkii ka furmi doono magaalada Melboure ee dalka Australia oo uu degan yahay ninka asagu xasuuqa geystay ee ah Cabdirahmaan faroole isla markaasna caalamka u sheegay inuu Argagixiso la dagaalamayo , Argagixisadaas oo ah kuwii Muqdishu ka soo baxay soona gaarey koonfurta-galbeed ee magaalada Galkacyo(Garsoor)

Waxaanu kaloo halkan codsi uga diraynaa Xildhibaanadii Soomaaliyeed sida hagar la´aanta ah gacanta ugu fidiyey dhaawaca yaal magaalada muqdisho sida Xildhibaan Cabdulqaadir SH. Ismail Aw Xaashi iyo rag kale oo la mid ah inay ka Dowlad ahaan noo soo cadeeyaan dadka dhaawaca ah inay yihiin dad shacab ah ama dad ayagu Argagixiso ah.

Sidoo kale TV-yada SNTV, Universaltv, Soomali Chanal, Horn Kabel, Royal TV iyo dhamaan Idaacadaha(Radio) iyo Website-yada ka howl gala Magaalo madaxda Muqdishu(xamar) iyo Gobolka Mudug magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob inay gacan ka geystaan sidii ay dadka dhibaataysan ee xasuuqa loo gaystey dhinaca warbaahinta uga caawin lahaayeen iyo wixii sawiro iyo Vedio-flim ah oo ay ka duubi karaan si ay noogu soo gudbiyaan .

Wixii macluumaad ah ee soo kordhana waxaanu idiinku soo gudbin doonaa warbaahinta.

Warbaahinta waxaan ku guubaabinayaa “ intii aad dulmiye u hiilin lahayd dulmane u hiili”

Waad mahadsan tihiin

Gudiga Garsoor Justice
Melboure-Australia
[email protected]