Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maamul Goboleedka Kar-Kaar State Oo Lagaga Dhawaaqay Qardho

Sunday - September 11, 2011

Qardho: Koox u badan Sarakiil iyo Siyaasiyiin oo ku sugan  Magaalada Qardho ayaa sheegtay inay sameeyeen Maamul Goboleed lagu magacaabo Karkaar State,………………………..
Raga maamulkan ku dhawaaqay ayaa ka mid ahaa saraakiishii GBP uu hogaamin jiray Cade Muuse wakhtigii uu  ka soo horjeeday Cabdilahi Yusuf .ayaa maanta (10/09/2011) si rasmi ah magaalada Qardho shaaca lagaga qaaday Maamul goboleedka lagu magacaabo Karkaar State, waxaana madaxweynaha Karkaar State Loo Magacaabay Cool Jaarig halka Madaxweyne ku Xigeenka Karkaar State loo magacaabay Mudane Maxamed Aadan Jaamac(Dagaale)

War saxaafadda loogu talo galay ayaa lagu sheegay in maamulkani uu yimi ka dib markii loo arkay in uu yahay muhiim ku dhawaaqistiisa.

Qoraalka ka soo baxay Madaxda Karkaar State ayaa lagu sheegay in ay ka dambaysay ku dhawaaqistiisa ka dib mudo dhowr bilood ah oo ay kulamo yeelayeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan Karkaar, sida Siyaasiinta, Aqoonyahanadda, Odayaasha, Haweenka,Dhallinyaradda iyo waxgaradka degaanka.

Qoraalka Saxaafadda loogu talo galay oo ka soo baxay Karkaar State
ayaa u qornaa sidan:

Ku: Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya
 Ku: Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya
 Ku: Xafiiska Siyaasadda Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS)
 Og: dhammaan qeybaha bulshada ee ku dhaqan Karkaar State Of Somaliya

 Ujeeddo: dhisid Maamul goboleed cusub

Sida la wada ogsoon yahay markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxay soomaalidu ay u kala tagtay nidaam isirr iyo degaan ku saleysan taas oo dhashay nidaamka iyo habka kaliya ay soomaalid isugu imaan karto in uu yahay nidaamka Federalka ah.

Waana tan dhashay in la dhiso maamul goboleedyo sharci iyo kala dambeyn ku dhisan tasoo lagu baadi gobaayo dowlad dhexe oo federal ah taasoo ay taagertay beesha caalamka.

Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online Sida darted bulshadda ku dhaqan KARKAAR STATE waxa ay maamul wadaag la noqdeen Maamulka Puntland kasoo ujeedooyinkii loo dhisay dhammaan la bal maray , dhibaatooyinkaas ay ugu horaysay wada tashi la’aan , amni xumo , dhaqaale burbur iyo in dhammaan meesha laga saaray ujeedooyinkii looyagleelay maamulka Puntland.

Haddaba markay wada tashi isugu yimaadeen bulshadda ku dhaqan degaanka karkaar taasoo ay ka soo qeyb galeen Isimadda , Aqoonyahanka , siyaasiiyinta , Culuma’udiinka, Sarkiisha Ciidama iyo bulshadda rayidka ah waxa ay go’aan ku gaareen:

In ay xiriirka u jaraan maamulkay horey uga tirsanaayeen ee Puntland.
 in ay dhistaan Maamul goboleedka ka turjumikara baahiyaha asaasiga ah ee dadka ku dhaqan gobolka KARKAAR STATE.

 in la helo hogaan dowladeed oo ka kooban

 a) Madaxweyne
 b) Madaxweyne ku xigeen
 c) Golle garsoor
 d) Golle Baarlamaan

oo laga soo dhex xulay ergoyinkii shirka ka soo qeyb galay shirka, iyo tiro wasiiro ah oo kooban kuwaas oo hanan kara kalsoonidda iyo hanaanka shacabka.

Intaas ka dib waxaa si Kumeel gaar ah loogu doortay Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen:

Madaxweyne…. Col.Maxamed Siciid Jaamac (Jaadhig)
M/ ku xigeen…. Maxamed Aadan Jaamac (dagale)

Wabilaahi Towfiiq

Afhayeenka Baarlamaanka Karkaar State.