Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Cuqubo Halkii Lagu Galay Ayey Caw Ku Hurudaa.. By C/karim A. Jaamac

Sunday - September 11, 2011

Abii-dardaa waxa laga wariyay in uu yiri " Ogaada wanaaggu ma duugoobo, xumaanta iyo dambigana lama illaawo". Dembigu wuu ku dabo socon haddaad adigu illowdo ILLAHAY ayaan illaawayn oo waxa laga yaabaa hadday adiga ku dhaafto inay curruurtaada ka muuqato oo ka soo baxdo.

Haweenay DAARIN la oran jiray ayaa guri lahayd shan sannadood, waxayna baryi jirtay ALLAAH oo waydiisan jirtay in uu siiyo wiil, waxayna ku fikiri jirtay maalinka ay hooyo noqon lahayd.

Waxay shan sannadood kadib iska dareentay culays iyo inay ilmo caloosha ku siddo, kadibna waxay u tagtay iyada iyo odaygeedii dhakhtar baara, waxana loo sheegay in ay uur leedahay. Farxad ayay kala badatay, cid kastana way u sheegtay farxaddeedii.

Markii ay sagaal bilood maraysay ayaaa fooshii qabtay, waxana la geeyay cusbitaalka. Dhakhtarkii waxa uu sheegay in lagu qali-doono wiilka ay siddo, waana lagu qalay ilmihii, si nabad ahna way u kala timi.

Waxa lagu soo celiyay gurigeedii, markaas waxa ku tiri ninkeedii waykan oo ma shaqayn karo e waxaad ii qabataa gabar inoo shaqaysa odaygiina uu ka yeelay oo waxa uu u qabtay islaan fiqiirada oo waayeel ah . Islaantii markay u shaqaysay dhawr casho ayey tiri anigu da’a ayaan ahay oo ma shaqayn karo, laakiin waxaan leeyahay inan gashaanti ah taas ayaan idiinkeeni oo idiin shaqayn.

Inanta da’dedu waxay ahayd ilaa 18 jir, aadna way u qurux badnayd si wanaagsanna way u soo lebbisan jirtay. Dabadeed DAARIIN ayaa ku tiri waxba ha soo lebbisan ee adiga oo caadiya guriga kaalay, waxayna uga baqanaysay ninkeeda. Ninkeedii ayaa ku yiri iska daa intii ay kuuu iman lahayd iyada oo fool xun iyada oo labisan ha kuu timaadee.

Guriga ay DAARIIN dagantahay waxa uu ahaa dabaq aad u wayn markaa iyada waxa la dajiyay dabaqa hoose waayo ma kori karto kaabadda guriga, odaygana waxa caado u ahaa in uu aroortii marka uu soo tooso in uu soo maro oo uu xaalkeeda ka waraysto.

Maalin maalmaha ka mid ah markii ay maraysay 37 maalmood oo ay 40kii saddex casho uga harsanaayeen ayuun baa iska dhaafay odaygii oo u soo mari waayay xaaskiisii, markaasay shakiday waxay u dhawaaqday inantii u shaqaynaysay iyadiina waa ay la hadli wayday, markaasaa ayaa intay kacday ay fuushay gurigii sare, waxayna aragtay wax ka yaabiyay waxay aragtay inantii shaqaalaha ahayd oo ku huruda sariirtii ay kula seexan jirtay ninkeeda oo xiran dharkii hurdada ee ninkeeda u xiran jiray!!! Waa yaabka yaabkiis ah markay su’aashay waxa dharkeedii u xiray sariirtana seexiyay ayay inta ay huruutay ku tiri hadalka badan iga daa anigu waxaan ahay XAASKA odayga guriga leh. DAARIIN waxa madax-maray hinasihii oo ilawsiiyay in ay qalantahay, waxaanay la dagaallantay inantii u shaqaynaysa, waxana dhacay masiibo aad u wayn markii ay islaayeen labadii dumar ahaa oo cid kala qabataana aanay jirin, waxana DAARIIN caloosha ka galay gacanta albaaka marka la furayo la soo qabto, halkaas ayeyna ku dhimatay.

Inta ay inantii yarayd soo dagtay ayay wiilkii DAARIIN dhashay dhabta ku qabtay oo ay la hadashay ninkii oo ay ku tiri soo orod wax baa dhacay‘e markii uu guruiga yimina wuxuu arkay dhiigga soo dareeray iyo maydka meesha yaal markii uu waydiiyey waxa dhacayna waxay ayaar ku tiri waxay Daariin igu tiri guriga sare ayaan fuulayaa markaasan ku iri ma fuuli kartid e iskaga joog way idiiday markaa waxa galay albaabka. Ok ayuu yiri waana la aasay gabadhiii.

Waxa guriga yimi DAARIIN hooyadeed iyo walaalkeed, waxayna waydiiyeen ninkii qabay arinku sida uu u dhacay, isugana wuxuu ugu sheegay sidii ay gabadhii dishay inateeda ugu sheegtay. Hooyadii ayaa waydiisay yaa guriga joogay waxaana uu ugu jawaabay gabadhan oo aan qabo, haddana waxay waydiisay oo goormaad guursatay gabadhan markaasuu yiri iyada oo nool Daariin. Hooyadii oo shaki galay ayaa ku tiri ninkii iyo xaaskiisii oo is agjooga wiilkii ay dhashay inantaydu isiiya waxaanan idiin sheegayaaa (haddii ay xaqiiqadu ka qarsoonto bani’aadamka, ogow in aanay ALLAAH ka qarsoomayn),, waana ay kaxaysatay wiilkii ay ayeyda u ahaydna.

Inantiii shaqaalaha ahayd waxa soo maray sannado badan oo barwaaqo ah oo ay gurigii iskaga dhex nimcaysanaysay oo nolol fiican ku dhex nooshahay carruur badanna way u dhashay oo 11 ah. Iyadoo nimcadaas ku nool ayey maalin maalmaha ka mid ah ku tiri ninkeedii waynu soo dalxiisaynaaa oo hawada ayaynu beddelaynaa. illeyn balo iskuma kaa sheegtee waxa Soomaalidu tirahdaa: balo waxay ku tiraahdaa ‘kac guur ama guurso!’ kadibna ninkeedii wuu ka aqbalay safarkii dalxiiska ahaa, waannu qaaday dhammaan carruurtii iyo iyadiiba waanay baxeen. Markay dhexda socdaan ayuu gaarigii la qallibmay, waxana dhintay odaygii iyo 10 carruur ah, waxa soo haray iyadoo kaliya oo dhabarka ka jabtay iyo wiilkii waynaa oo isaguna dhawr meelood ka jabay, waa la soo qaaday, waxa la keenay cusbitaalka, halkaas ayaana waxoogaa lagu daweeyay.

Maalin kale ayaa wiilkii curadka ahaa ee shilkaasi ka badbaaday oo u soo ordaya hooyadii cusbitaalka ku jirtay ayaa waxa uu galay shil kale, halkii ayuuna isagiina ku dhintay. Waxa soo haray iyadii oo kaliya oo dhabarka ka jaban oo waxbana aan qabsan karayn.

Dharktarkii ayaa laga soo saaray, waxana yimi gurigii DAARIIN hooyadeed iyo wiilkeeda si ay dhaxalka u qaataan barkoodii. Markii dhaxalkii la qaybiyay, ayaa waxa hooyadii dhabarka ka jabnayd dhaxalkii u qaaday walaalkeed oo sakhraan ahaa lacagtiina wuu ka cunay, iyadiina waxa uu kaga tagay meel cidlo ah gurigiina wuu ka iibiyay.

Markii baahiyo u dan sheegtay waxa soo kaxeeyay dadkii jaarka ahaa waxanay ay galiyeen qol yar oo cidlo ah, dadka jaarkuna waxay u keeni jireen cuntada maalin maalin. Maalin ayey ku dhimatay gurigii cidlada ahaa waxana maydkeeda lagu dareemay urta ka soo baxaysa guriga. Cadaabkii ILLAHAYNA wuu haray.

DHASHAADA AYAY SUGTAA XAAJADAAD DHAWRSATAA ABID.

Cabdakiim Axmed Jaamac, [email protected]