Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Amar Ka Soo Baxay Faroole Oo Lagu Sugaayo Amaanka Garowe

Monday - September 12, 2011

Garowe: Warar aan ka xiganay xarunta saldhiga u ah Mr. Faroole ee magaalada Garowe ayaa tilmaamaya in Mr. Faroole isagoo ka ambaqaadaya cabsi ku soo korortay xaga nabadgalyadiisa u amar ku bixiyey in daba-gal iyo kormeer lagu sameeyo soo galootiga magaalada, lana sameeyo Qorsho lagu diiwaan gelinayo shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Garoowe, siiba kuwa ka soo jeeda gobolada Koonfureed ee dalka, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali isagoo awaamirtaas tixgalinaaya ayuu la hadlay  Warbaahinta kana warbixiyay qorshaha la damcasanyahay in lagu sugo magaalada, isagoo sheegay in ay kaga gol-leeyihiin wax ka qabadak amaanka guud ahaan gobolka.

Gudoomiye Cabdi Qarajab ayaa intaa raaciyey oo yiri; qorshahani waa dar dar gelin lagu sameynayo xaga Amniga Dhinac walba, waxaana qorsheenay in cid walba oo Garowe ku soo hoyata la ogaankaro meesha u dega-yahay iyo waxa u socdo.