Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Beelaha Digil Iyo Mirifle Oo Ganafka Ku Dhuftay Iney Ka Qayb Galaan Shirka Wadatashiga Garowe

Monday - September 12, 2011

Muqdisho: Xigasho Raxanreeb - Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ka qeybgeli doonin kulanka wada tashiga ah ee lagu qaban doono magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Xildhibaanada warkani uu ka soo yeeray oo ah Mudanayaasha ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay sheegeen iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho in deegaanada Puntland lagu waxyeeleeyay dad u dhashay gobolada koonfur galbeed Soomaaliya dadkaasi oo ay sheegeen in ay ku abtirsadaan Beelaha Digil iyo Mirifle.

" Maamulka Puntland wuxuu gumaaday shacabkeena, waxaa lagu xir xiray Garowe, waxaa laga qaatay hantidooda, waa la baaba’shay, waxaa sidaa yeelay waa Xukuumada Faroole, waxan leenahay shirka wadatashiga Soomaalida ee lagu qaban doono Garowe annaga haddaan nahay Digil iyo Mirifle Xildhibaanadooda kama qeybgeli doono" ayuu yiri Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo Mudanayaashii Puntland eedeeyay ka mid ahaa.

Dhanka kale waxaa hadalka ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka FKMG Soomaaliya ka jawaabay Wasiirka Amniga ee Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo sheegay in Xildhibaanadaasi aan lagu sheegi karin Xildhibaano Qaran balse ay yihiin oo ay u hadleen sida Xildhibaan Qoys.

Wasiirka Amniga Puntland wuxuu sheegay in aysan jirin dad ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya oo si cad oo gardarro ah loogu dhibaateeyay gudaha deegaanada Puntland, balse la qab qabtay dad badan oo falal amaan darro ku lug lahaa kuwaasi oo qaarkood la xir xiray kuwa kalena deegaanada Puntland laga musaafuriyay.

Col, Khaliif Ciise Mudan wuxuu shaaca ka qaaday in Puntland ay xaq u leedahay in ay iska qabato cid kasta oo amaankeeda khatar ku ah iyo cid kasta oo dooneysa in ay falal amaan darro iyo dhibaato ka geysato gudaha Puntland.