Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Booliska Caalamiga Loo Yaqaan Interpol Oo Shaaciyey In La Qabto Qadaafi Iyo Wiilkiisa Seef Al-Islam

Tuesday - September 13, 2011

Paris: Hay’adda Booliska caalamiga ah ee adduunka ee loo yaqaan Interpol, ayaa shaaciyey in liiska cas ee dadka loogu doon-doonka badan yahay adduunyada ku dareen hoggaamiyihii talada laga tuuray ee Libiya Mucamar Gaddafi.

Warkan oo maanta lagaga dhawaaqay xarunta Interpol ee magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxa kale oo lagu shaaciyey in liiska ay ku jiraan wiilka uu dhalay Gaddafi ee Seef al-islam iyo weliba madaxii hay’ada Sirdoonka Libiya Cabdalla Senussi.

Interpol waxay sheegeen inay go’aankaa u qaateen si ay ula shaqeeyaan maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC oo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha ku soo oogtay Gaddafi, wiilkiisa iyo madaxii sirdoonkiisa, isla markaana amartay in la soo qabto.

"Ogaysiiska cas waxa ka wada-warqaba dhammaan 188 xubnood ee Interpol ka kooban tahay, iyadoo ay la socdaan caddaymo aqoonsi iyo xogo maxkamadeed," ayaa lagu yiri warka Interpol.

Waxa kale oo Interpol tallaabadan ku sheegtay inay tahay mid ay ku aqoon-sanayso golaha qaranka ku-meelgaarka ah ee Libiya.