Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

UN-ka Oo Shir U Qabaneysa Maamul Goboleedyada Somaliya

Wednesday - September 14, 2011

New York: Waxa maanta ka dhacaya magaaladda New York shir balaaran oo xog-waraysi ah oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midowbay kaga doodayaan arrimaha Somalia. Waxa halkaa ka warbixin doona madaxda AMISOM, Augustine Mahiga Ergayga Qaramada Midowbay ee Somalia, Raysal Wasaaraha Somalia iyo madax kale. Shirkan oo lagaga arrinsan doono sidii shirarkii dib u heshiinta ee dhawaan Muqdisho ka dhacay loo dhamaystiri lahaa, iyadoo ay shirkaas barbar socon- doonaan shirar la isugu soo dhawaynayo maamul goboleedyada Somaliya ka jira.

Wafdi ka socda Somaliland oo u hagaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Moxamed Cabdillahi Cumar ayaa isna ku sugan New york, oo aan la shaacin mawqifkooda ka qayb galka shirka, hasa ahaate wararka xogta laga helaayo New York ayaa tilmaamaya in wafdigu halkaas u joogo wada xaajoodka ka socda qaramada midoobay ee looga arinsanayo arimaha Somaaliy, walow Ajendaha la shaaciyey ee shirka maanta laguma soo hadal qaadin in wax Somaliland ku saabsan halkaa lagu soo hadal qaadi doono.

Hore ayey dhawr goor Somaliland uga qayb gashay shirar lagaga hadlayo arrimaha Somaliya oo sababay muran badan ka dhaliyey gudaha Somaliland iyada oo siyaasiyiin badan ku tilmaameen shirarka qaar aanay waxba Somaliland ugu jirin, kana digay ku milmida ay Somaliland u muuqanayso maamul goboleedyada shirarkaasi lagu casuumay.