Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ninkii Labaad Ee Ururka Al-Qaacida Al-ayman Dawaahiro Oo U Baxsaday Xagaa Iyo Somaaliya

Thursday - September 15, 2011

Dalka Pakistaan ayaa sheegay in Hogaamiyaha koowaad ee shabakadda  Al-Qaacida Ayman al-Dawahiri u baxsaday meel ka mid ah Dalka  Soomaaliya ama wadanka Yaman,  si uu uga baxsado Ciidamadda  Dowlada Mareykanka oo baadi goob xoogan ugu jira inay gacanta ku dhigaan.

Laanta  Sirdoonka Pakistaan ayaa shalay oo Arbaca ah, MBC News u sheegtay  inay heleen xogo sheegaya in Hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman al-Dawaahiri ka tagay Dalka Pakistaan,  loona malaynayo  inuu u cararay Dalalka Somaaliya iyo Yaman oo ka mida meelaha ugu  xoogan ee ay Kooxda Al-qaacida ku  dhuumaalaysato.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Pakistaan oo diiday in Magacooda in la shaaciyo ayaa MBC u sheegay inay xogtan ka haleen rag katirsan Al-Qaacida oo lagu xiray meel la yiraahdo Quetta oo ka tirsan Dalka Pakistaan,  kuwaasoo ay Sirdoonku sheegeen inay u cadeeyeen in Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Ayman al-Dawahri aaday Dalalka Soomaaliya ama Yaman.

Warbaahinta MBC  waxa kale oo  ay soo xigatay Sarkaal u dhashay Mareykanka  oo sheegay in Baxsashada  Ayman ka dambaysay  Cabsi fara-badan oo  uu ka qaaday  CIA-da Maraykanka  oo daba gal xoogan ku hayay iyo sidoo kale Duqeymo ay la eegtaan Diyaaradaha Mareykanku dhufaysyo lagu tuhunsanaa inuu ku dhuumanayo.

Si cad umay sheegin Sirdoonka Pakistaan iyo CIA-da Maraykanku halka uu u baxsaday Hogaamiyihii Al-qaacida, hase yeeshee waxay aaminsanyihiin inuu u cararay Wadamada Somaliya iyo Yemen midkood.

Ninka Madaxda ka ah Sirdoonka Mareykanka ee CIA David Petraeus ayaa maalintii Salaasada ee  doraad qaar ka mid ah Congreska Mareykanka u sheegay in awoodii Shabakadda Al-qaacida  dhulka gashay, lana jabiyay, Waxaanu awood Darada Al-qaacida ku sababeeyay, inay ka dambeysay  Dilkii loo gaystay Hogaamiyihii Al-Qaacida Osama Bin Laadin.

Ayman Al-dawaahiri oo horaantii sanadkan loo doortay Hogaanka Shabakada Al-qaacida ayaan la ogayn ilaa hada meel uu ku dambeeyay, inkasta oo laamaha Daba-galka ee Maraykanka iyo Pakistaan ku adkaysanayaan inuu naftiisa ula baxsaday meel uu ku badbaado