Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Sheeko Murtiyeed .. Wiil Iyo Aabihiis

Thursday - September 15, 2011

Waxaa la yiri: waxaa jiri jiray wiil iyo aabihiis kolkuu wiilkii qaan-gaaray ee u noqday nin xilkas ah, ayuu aabihiis u guuriyey gabar qurux badan oo xoolana siiyey.

Guyaal iyo Guyaal ka dib baa inankii aabihiis ku yiri; Aabow, Sadex arimood iga jawaab .. Mida kowaad: adigu igama dhaqaale badnid haddana iga xoolo badnide maxaa dhacay? .. Mida labaad: dadku taladaadu bey maqlaan teydase cidi ma daneyso ee maxaa dhacay? .. Mida sadexaad: naagteydu kuwaaga ka qarux badan caruurtaaduse ka fiican kuweyga ee maxay ku noqotay?

Odagi oo jawaabaya ayaa yiri; Mida hore adiga markaad aragtid roob meel fog ka da'ya durbadiiba waad u guurtaa, aniguse marka hore waa u sahmiya,markaan ogaado iney meeshaan xoolaha u dhaanto ayaan u soo guuraa.

Mida labaad; maandhe adigu taladaada loo baahneyn oo cid ku weydisan baad la talisa dadka, aniguse markay talo ii weydiyaan oo arinka doc walba ka eego ayaan sida qumman ku taliya.

Mida Sadexaad:  maandhe adigu haweenka qurux baad ku xulataa, aniguse haweenka qaymiga iyo naag-nimada ayaan ku xushaa.

By Abdisalaam Maxamed Shabele [email protected]