Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dadku Ma Waxay Ahaayeen Ramadaan Caabud Mise Waxay Ahaayeen Alle Caabud

Friday - September 16, 2011

Asallaamu calaykum waraxmatu-llaahi wabarakaatuh.
Walaalayaal waxaynu wada xasuusan-nahay bishii ramadan siday misaajidadu u camir-naayeen oo xitaa salaada subax la soo buux dhaafin-jiray imikana waxaa masaajidadii ku soo haray kaliya dadkii ramadaanta iyo ramadana horteedba tukan jiray,hadaba su'aashu waxay tahay maye dadkii ramadaanta misaajida buuxin-jiray? salaadii miyaa laga dhaafay !

Walaalayaal runtii waa wax laga naxo markaad aragtid masaajidadii oo maran ay bishii ramdaan dhamaatay laga hayaamay.
waxaad ka feejgnaataa inaad ka mid-noqotid ramadaan-caabudayaal ..waxaad ogaataa in ay waajib kugu tahay markaste iyo bilkste inaad illaahay caabudid ood wixii uu kugu faral-yeelay la' timaadid taasoo ay kow ka tahay SHANTA SALAADOOD EE FARALKA AH.

Waar hoy qofka salaadda ka tagey ee ay la fududahayow ogow in aan salaada kaliya bishii ramadaan uun lagugu faral-yeelin ee uu illaahay SW kugu waajibiyay oo aan marnaba lagaa dhaafaynin mar hadii aad ledahay caqli iyo garaad aad wax ku kala garanaysid.!
Ma ogtahay in uu rasuuku SCW ku sifeeyay gaalnimo qofka salaada ka taga taasna waxaa daliil u ah xadiiskan uu rasulku SCW yidhi ninka iyo gaalnimada waxaa u dhexeeya kaliya salaada oo uu ka tago .. Ma,ogtahay in taarikul salaadka lagu cadaabo qabriga intaan qiyaamaba laysla gaarin.

– Ma,ogtahay akhriste in maalinta qiyaamaha qofka waxa la waydiinayo ee ugu horeeyaa in ay tahay salaadda oo hadii ay salaadiisu hagaagtona dhamaan acmaashiisu hagaagayso hadii ay salaaddiisu fasahaadana dhamaan acmaahiisa kalena ay fasahaadayso oo ay noqonayso kakac iyo waxba kama jiraan wal-ciyaadu billaah.

Ma,ogtahay akhriste in qofka taarikul salaadka ah maalinta qiyamaha lal soo saaro fircoon iyo haamaan wal-ciyaadu

Ma ogtahay in dadka salaada tukanwaayaa ay gelaya naarta SAQARA marka la waydiiyo ee la yiraa maxaa saqara idin galiyayna ay ku jawaabayaan MAANAAN TUKAN JIRIN !! 

Ma ogtahay in ay salaadu tahay shayga kaliya ee uu umada u dardaarmay markii ay naftu ka,sii baxaysay SWC.

Ma,ogtahay in ay salaaddu tahay miftaaxa ama furaha albaabada khyrka oo dhan aynu tusaale u soo qaadano xikmadii sheekh ibnul qayim raximahullaah ..ibnu qayim waxa uu yiri salaadda oo la tukadaa qofk waxay u horsedaa arzaaq waasaca… waxay ilaalisaa cafimdka … waxay heeraysaa dhibatadaiyo xanuunka … waxay quwaysaa qalbiga … waxay cadaysaa wajiga … waxay farax glisaa nafta … waxay dheraya oy fogysa wahsiga iy kasalk … waxay nashiidisaa xubnahajdhka … waxay degenaan ku abuurtaa laabta qofka … waxay cuno u tahay ruuxda … waxay nuurisaa qalbiga …waxay ilaalisaa nicmda … waxay fogaysaa naqmada iyo dhibka … waxay keentaa barakada … waxay qofka tukada ka fogaysaa shaydaanka … waxay u dhaweysaa ILLAAHAY SW.

Walaalayaal hadaba waxaan naftayda iyo idinkaba idiin dardaarmayaa in aynaan noqonin kuwo kaliya bisha ramadaan uun illaahay caabuda SW islamarkaana aynu garano qiimaha iyo weynida ay leedahahay salaaddu, walaalayaal aynu illaalno salaadda kuna dadaalno illaalinteeda taas ayaynu aduun iyo aakhiraba ina anfacaysa wallaahi wabillaahi tawfiiq .
illaahay waxaan ka baryayaa  in u qoraalkaygan ka dhigo mid dadka anfaca illaahay wejigiisana khaalis u ah .. allahuma aamiin wabilllaahi tawfiiq wasalaamu- calaykum waraxmatullaahi wabarakaatu.

khaalid jaamac ( abu-cabduraxmaan)
AL-qassim-buraydah-k.s.a.
[email protected]