Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Jabhada ONLF Oo Booto Iyo Goodin Beer-laxaawsi Kula Wareegtay Shacabki Deganaa Gaarisa-Kenya

Friday - September 16, 2011

Nairobi: Sida ay baahisay jariirada Eastandard ee kasoo baxda magaalada Nairobi dowlada Kenya ayaa markii ugu horaysay ka dhawaajisay in dagaalyahano ONLF ah ku sugan yahiin magaalada Garissa, isla markaana ay khatar xaga amniga ah ku hayaan magaalada.

Brasaabka waqooyi bari Kenya James Ole Serian ayaa sheegay inay dowladu qaadayso talaabooyin muhiim ah si ay uga hor tagto khatarta arintani la timid. " Kama caga jiidayno in aan la tacaalno khatarta amni ee soo korodhay" ayuu sheegay waaligu.

Iska Markaa Gudoomiyaha golaha imaamyada iyo ducaada Kenya laanta Gaarisa Sheekh Xassan Camay ayaa isna sheegay in dagaalyano shisheeye ahi la wareegeen magaalada Garissa, isaga oo dowlada ku eedayay inay ka indha qarsatay khatarta gurubkaan laga soo safriyay Itoobiya.

" Dowladu waa ogtahay in dagaalyano shisheeye ahi ku sugun yahiin Garissa, balse wax talaabo ah ma qaadin si loo baajiyo dhiig daata” ayuu yiri Sheekh Xassan oo ka hadlayay kulan arintan lagaga hadlayay oo ay soo qaban qaabanyeen waxgaradka Garissa oo ay horbaadayaan culimada, iyo ururo dhalinyaro.

Dhanka kale Ismaaciil Cabdiqaadir oo u hadlayay ururka dhalinyarada Garissa ayaa dowlada ka codsaday inay talaabo adag ka qaado malayshiyada khatarta ku haya amniga magaalada.

Warbixinta Eastandard ayaa lagu sheegay in garab ka mid ah ONLF hanjabaad iyo cagajuglayn kula kacay dad ay ku eedeeyeen inay taageersanyahiin heshiis dhawaan garab ka mid ah ururku la galay dawlada Itoobiya.

Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in dagaalkii ONLF ka waday gudaha Itoobiya uu hada usoo gudbay Kenya, iyadoo ay jiraan dad local ah oo ku lug leh dhaq-dhaqaaqa amni daro ee soo kordhay, gabaadna u noqday malayshiyada ONLF ee ku sugan Garissa.

Dowlada Kenya ayaa u muuqata in walaac gooni ah ay ka qabto dhalinyarada Kenyanka ah ee la sheegay inay qaateen fikirka ONLF ee goosashada, taasoo hadii aan hada wax laga qaban aan la ogayn waxa ay aakhirka iyana la iman doonaan.

Xubnaha iyo taageereeyaasha ONLF garabka aan heshiiska qaadan ayaa mudooyinkii danbe si aada usoo galayay Kenya, iyadoo magaalada Garissa iyo xeryaha qaxootiga ay ka wadeen abaabul, tashkiilin (Recruitment) riwaayado iyo dhaqaalo uruurin, taasoo keentay in dad local ahi qaataan fikirka ONLF lana shaqeeyaan .. waxaana warka loo badinaya in madaxda jabhada ONLF ay ku fakarayaan sidi ay ku qabsan-lahaayeen dekada kisimaayo oo ay ugu noqoto saldhig ay kaga hawl-galaan dagaalada ay kula jiraan cariga itobiya