Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Kibirka Faroole Oo Mar Kale Raba Inu Talaabo Duulaan Ku Soo Qaado Garsoor-Gaalkacyo

Sunday - September 18, 2011

Xigasho Raxanreeb: Xog Warbixin qarsoodi ah oo laga heley madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garowe ayaa lagu ogaaday in maamulka C/raxmaan Faroole uu qabanqaabinayo sidii markale weerar culus loogu qaadi lahaa xaafada Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo, dullaankaasi oo ujeedadiisu tahay in Faroole u ku guuleysto hadafkiisa ah in la tirtiro awooda beesha Leelkase kadib markii uu ku fashilmay weerarkii bishan kowdeedii Faroole ku qaaday beesha.

Warar lagu kalsoon yahay oo Raxanreeb.com ka heshey wasiiro iyo saraakiil ka tirsan maamulka Faroole ayaa lagu xaqiijiyey gulufka aan laga firsan ee uu Faroole ku soo wado dadka reer Garsoor.  Waxaana beryahan si wen looga dareemayaa magaalada Garowe ciidamo yo gaadiid dagaal oo loo diyaargareynayo weerarka Gaalkacyo.

Waxaa arintan si cad shaaca uga qaaday Wasiiro ka agdhow madaxweyne Faroole ayaa RBC u cadeeyeen 70% dullaanka Faroole uu hadda diyaarsan yahay lana fili karo waqti dhow dagaal kale oo ka qarxa waqooyiga Gaalkacyo.

Wasiiradaan ayaa sheegay in magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ah diyaargarow dagaal waxaana Faroole uu isugu yeeray dhamaan saraakiisha beeshiisa ugu jirta ciidamada Puntland iyo ilaaladiisa madaxtooyada isagoo kula ballamay inay qalabka u qaataan weerar ku socda beesha Leelkase iyo xaafada Garsoor oo aan la ogeyn waxa Faroole uu ka faa’iidi doono dagaal beeleed aan la garan Karin waxa uu ku dambeyn doono.

Ujeedada Socdaalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ee Ethiopia!

Waxaa lala wada socdaa in madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire  loo diray Addis Ababa si uu dawlada Ethiopia uga soo dhaadhiciyo sidii hub iyo rasaas u siin lahayd maamulka Garowe.  Waxaana jirta in beesha caalamka iyo dawladaha deriska ay ka gadmi weysay hadaaqii Faroole ee ahaa in Garsoor ay joogaan ARGAGIXISO sidaasi awgeed ayaa Faroole iyo kooxdiisa waxay hadda wadaan dadaalo hor leh si ay marmarsiiyo iyo qiilba ugu helaan ku duulida Garsoor.

Ina Cali Shire oo had iyo jeer ah ninka Faroole u dirsado arimaha dagaalada iyo hub ka keenista Ethiopia ayaa waxaa loo sii dhiibay qoraal uu diray C/raxmaan Faroole kaasoo sheegaya in Puntland ay soo wajahday KHATAR KA WEYN TII GALGALA isla markaana beelihii reer Puntland ay raaceen AL-SHABAAB, wuxuuna Faroole ka codsaday Ethiopia inay taageero deg deg ah u fidiso si loo badbaadiyo jiritaankiisa maamulkiisa Garoowe.

Dagaal ooge Cabdi Qeybdiid oo Faroole u yeertay

Waxaa yaab leh in ka dib markii maamulka Faroole iyo Galmudug ay isku fahmi waayeen in Leelkase argagixiso lagu shaabadeeyo, in Faroole uu hadda bilaabay inuu u yeerto dagaal oogayaashii Soomaalida dhiigeeda mudada dheer soo cabayey.  Waxaana wax aad looga naxo ah in Cabdi Qeybdiid manta si wafdi heer caalami ah loogu soo dhoweeyo garoonka Gaalkacyo iyadoo soo dhoweyntiisa kooxda Faroole ay u saareen guddi gaar ah- tolow ma madaxweyne qaranbaa?

Balse sida iska cad qorshaha Cabdi Qeybdiid Gaalkacyo u yimid ayaa ah in maamulka Faroole uu gacan ka siiyo sidii Galmudug iyo Puntlant isku aragti uga noqon lahaayeen dagaalka isir sooca ah ee uu Faroole wado maadaama madaxweyne Caalin uu hore u sheegay in waxa Gaalkacyo ka dhacay uu ahaa dagaal beelo u dhexeeya ee aysan jirin wax argagixiso la yiraa taasoo Faroole hadda uu doonayo in dhankiisa sheekada loogu sacabtumo isagoo adeegsanaya dagaal ooge Cabdi Qeybdiid.

Khiyaamada Faroole maleegayo waxaa ka mid ah;

Ka dib fashilkii C/raxmaan Faroole kala kulmay weerarkii Garsoor ee dadka shacabka uu ku laayey, waxaa si weyn hoos ugu dhacay sumcadii Puntland ee gudaha iyo dibadda, waxaana Faroole soo wajahay cadaadis xoogan iyadoo ay socon weyday qorshe ay wateen dad gaar ah oo ahaa in beesha Leelkase uu ka dhigo beel la safan argagixisada, kadibka laga dhigo shacabka beeshaas mid la dilo iyo mid la xiro haddaba wuxuu Faroole hadda dib boorka uga jafay siyaasadii gudaha iyo tii dibadda isagoo soo diray raggiisii ku firfircoonaa maleegista shirqoolada.

Waxaa la ogaaday in Faroole uu Gaalkacyo dhexdeeda ka abuuray koox amni daro ka sameysa si ay magaalada oo dhan u noqoto meel qasan, gaar ahaan waqooyiga, waxkasta oo dhacaa dusha loo saaro dadka degan xaafada Garsoor ka dibna uu markaasi helo qiil uu ku qaado weerarka uu ku wado beesha Leelkase.  Waxaana dhacdadii ugu dambeysay ay ahayd dhaawacii loo geystay wariye Xoriyo C/qaadir oo ka tirsnayd idaacadda Radio Gaalkacyo laguna weeraray laamiga dheer ee dhexmara Gaalkacyo ee dhanka Garsoor xiga (Waxaa isweydiin mudan weerarkaasi wuxuu dhacay maalmo ka dib markii ciidamo beeleedka laga qaaday xaafada Garsoor sow taasi ma muujineyso in weerarka wariyaha ay maleegtay Puntland). Waxaa iyana meesha ka marnayn in borobogaando ka dhan ah beesha oo si cilmiyeysan ay u wadaan xukuumada Faroole iyo kooxo ay gacansaar la leeyihin oo aydad ka duubaan cajalado kuwaas oo ku sheegayo in dhanka xaafada ay hawlgali jireen ka dibna ay baahiyaan si ay ugu fududaato sidii ay tageero ugu heli lahaayeen dhagarta u maleegayaan mid kamid ah beelihii wax ka dhistay Puntland.

Faroole wuxuu sidoo kale abuuray qorshe lagu carqaladeynayo waanwaanta nabadeed ee ka socota Gaalkacyo taasoo hadda weli bilow ah. Wuxuuna Faroole doonayaa in shuruudo aan suuragal ahayn lagu xiro waanwaanta.   Waxaana ka mid ah in gorgortan aan la galin awood qeybsiga maamulka degmada Gaalkacyo iyo kan gobolka Mudug kadibna beesha Leelkase ay markaasi diido sidaasna Faroole ku xalaaleysto duulaankiisa qarsoodiga ah.

Siyaasadda Dibadda ee Faroole

Faroole ayaa bilaabay inuu xodxodasho ku sameeyo maamulka Galmudug si uu taageero dhanka koonfurta uga helo ka dibna ay ugu fududaato inuu duulaankiisa sii wato, isla markaana beesha Leelkase laga hor istaago in dhaawacyada ay geystaan dhanka Galmudug.

Sidoo kale maamulka Faroole ayaa bilaabay olole ku wajahan dhanka wadamada deriska iyo beesha caalamka si arinta Gaalkacyo ay u huwiyaan shaati argagixiso iyo Al-Shabaab taasoo markii hore u socon weyday.

Maxaa la gudboon shacabka Mudug?

Shacabka guud ahaan gobolka Mudug waxay mudo dheer ku jireen nabad iyo walaaltinimo ay ku wada noolaayeen, waxaana waqtigan la gudboon inay gartaan dhagarta uu wado C/raxmaan Faroole ee deegaanka iyo dadkiisaba lagu dabargoyn rabo waana inay diyaargaroobaan oo dadweynuhu meel uga soo wada jeestan duulaanka dulmiga ku dhisan ee Faroole horseedka ka yahay.

Cabdisamiic Ciise Xasan
Raxanreeb.com
Nairobi Kenya