Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Reer Garsoor Sidi Koran Xaniyaha Laga Tumay Meel Uma Maluugna Ee Faroolow Sidi Waraabe So Bod Bod

Sunday - September 18, 2011

Galkacyo: Wararka ka imaanaya gobolka mudug iyo gaar ahaan dhinaca Garoowe ayaa sheegaya in awrki madax taaga loo gashay ee tusmada ka habaabay Cabdiraxmaan Faroole uu iminka la hinraagaya maanka ku haya sidi u falisi lahaa yeekihi u dambeeyey ee gacantiisa ku jiray taaso uu ku hindisaayo inu haraagi maleeshiyadiisa dagaalka ku jaaha-wareeray hiilka u gali-waayey mar kale qalad qalad ka daba-gee si bareer ah dagaal ugu soo jeheeyo degaanka Garsoor, isagoo aan ku xisaabtamin allahayoow maxay noqon, isla markaana ku adeeganaya khuraafaad iyo been abuur daacaayado raqiisa oo u miciin-mooday oo aan laaiq ku ahayn sharafta dadka reer Garsoor 

Wararka iyo hawlgalada abaabul dagaal ee dhinacyada laga soo tabinaaya ayaa tilmaamaya in reer Garsoor dhinacooda qaadeen talaabooyin digtoon heeganka kowaad ee iska caabinta gar diid Faroole, waxaana la sheegay in dhawaan taakuleyn hub iyo saanad soo gaartay dhinacooda oo qaab koox koox ciidan loogu kala qaybiyey aaladaas iyadoo koox-kasta qaadatay waajibaadki dagaal iyo qorshihi plan "B", waxaana warku intaa si raaciyey 2200 ay u diyaarsan-yihiin iney il-briqsiga hore dhufsyada ku galaan iyadoo keyda maleeshiyada Garsoor oo iminka tiro ahaan soo gaaray 2000 oo wiil, laakiin illa 600 aysan hubeysneyn oo loogu tala galay iney hubka ka furtaan maxeysatada Faroole., waxay kalo shabakadaan u sheegeen in ay sameysteen 9 Baro hogaamin isku wada xiran oo isugu jira Baro hogaamin dagaal iyo kuwa taakuleyn gaar ahaan caafimaadka iyo saadka intaba.

Horjooge ciidan oo hawlkar-nimadiisa isagu khabiir ku ah wacdarada kala dhig-dhiga khariidada taatikada dagaalka oo aagaas ciidan ku diyaar-gareynaya, oo wax laga weydiyey xaalada heegan u ku jiro ayaa yiri: Nabarkaad u dagantahay eegmo kuma dawoobo .. taako taako ayaan ula socnaa tirinta diyaar garoowga iyo heeganka u ku doonaayo inu dagaal ku soo rogaal celiyo Garsoor, waxaan xita la socnaa ayuu yiri qofkasta nooca hubka la siiyey iyo guud ahaan, gaar ahaan qaabka qorshe ay ku dagaali rabaan ..  waxaan leenahay ayuu yiri; heeleeleey heleeleey hile .. ilaah mooye ciidna kama baqno, reer Garsoor ma aha dhallin-yaradooda kuwa sidi koron xaniyaha laga tumay meelaha malmaluugan ee Faroole waxaan ku leenahay sidi waraabe hilib arkay u Bod Bod oo xaga Garsoor u soo bod bood, waxuu horjoogaha hadalkiisi ku soo gaabshay Reer Garsoor kuma cabiidsamo " Wallan madaxa kaa golyne" ..  haddey saas ku socoto waxaa la oran-doonaa Gaalkacyo waa dhaqneyd marag ilaahye ayuu yiri