Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dhaqaala Xumida Dalka Giriiga Oo Saameysay Dadka U Jiifa Cudurka Kansarka ( Cancer)

Monday - September 19, 2011

Sida laga wada war qabo,waxaa dalka Giriiga ee qaarada Yurub la soo deristay xaalada ba´an oo xaga dhaqaalaha ah gebi ahaanba mujtamaca ama shacabka dalka Giriiga, Waxaa dhaqaale xumadaasi ay aad u saamaysay guud ahaanba dadkii bukaan jiifka ahaa ee dhakhtarada ku jiray, khaasatan bukaan jiifka u jiifa cudurka kansarka (Cancer).

Shirkadda dawooyinka soo saarta ee ( Roche) oo laga leeyahay dalka Iswiserlaand, oo dawooyinka canser-ka ka iibin jirtay dawladda Giriiga dhakhtaradeeda dawliga ah ayaa joojisay, kaddib markii ay bixin waayeen kharashkii dawooyinkaas dawladda dalka Giriigu.

Arrintan joojinta ayaa waxa ay saamayn weyn ku yeelatay dadkaas u buka cudurka cansarka. Haddaba shirkadan dawooyinka ee Roche ayaa iyadu dawooyinka ka iibisa farmasiiyada gaarka loo leeyahay .. Arrintan soo food-saartay dadkan bukaan jiifka ee cudurka cansarka ku dhacay , ayaa waxay khasab ku noqodtay iyagoo toodii la il daran, in ay farmasiiyada private-gaarka ah ay dawooyinkaa cansarka ka soo iibsadaan, kadibna dhakhtarka ay jiifaan uu ku shubo. Waa arrin naxdin leh. Berina waxaa iman doonta irbada la idinku mudayo ka soo iibsada farmasiga. Arrintan waxaa wax ka qoray joornaalka caanka ah ee Wall Street Journal