Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Reer Garsoor Oo Dacwadooda Ku Sii Fidsatay illa Jimciyada Quruumaha "UN"

Monday - September 19, 2011

Ottawa- Canada: Leadership Council ee reerka Leelkase oo baryahaanba himiladiisu aheyd in Aayaha  mustaqbalka dadkeeda wakhti walba iyo meel walba ka hubiyaan inaanan laga turjumin rabitaanka beel weyntooda. Isla-markaana balantu tahay iney bustaha dhigtaan meel walba u bustaha u dhigto Jufo maamulka Faroole, iyadoo markasta gacanta laga dhiibaayo wixii qoraal ah oon cidna loo daba-joogsaneyn, ayaa laga qayb galay kulankii Mahiiga ee ku yimi magaalada Ottawa-Canada

Kulankaa oo uu Mahiga ku rabey xaqiiq raadis arimaha ku lugle Somaaliya kaga xog arur-sanayey ra’yiga kala duwan ee bulsha-weynta qorba jooga ayaa waxaa shirkaa diyaar ku ahaa xubno ka tirsan leadership-ka leelkase qeybta Ottawa. Waxaana xusid mudan in shirkaas ay ka soo qeyb galeen maamul goboleedyo badan oo run ahaanti ku dhisan qabyaalad .. Xubnaha ka socday beesha oo uu hogaaminayay afhayeen beesha ayaa arimaha mustaqbal ee reer Garsoor iyo afba ka shaac bixiyay shirka.

Mudane oo isagu ka soo jeeda reer Garsoor ayaa ku tiiqtiiqsadey ujeedada hadalkiisa iyo geedi socodka arimaha siyaasadeed iyo guud ahaan qaab nololeedka maanta ka jira bulshada reer Garsoor dagaalki lagu soo qaaday kadib

Mudanaha Beesha oo hadalkiisi ku bilaabay ayaa yiri " Mudane Mahiga, waxa dhamaadey wakhtigii beel beel kale uu turjumaysey oo reerka Garsoor wax walba oo la doonaba laga sheegayay, maanta aniga iyo xubnaha kale oo halkaan fadhida ee ka soo jeeda asal ahaan beesha degta Garsoor waxaan halkan u joognaa inaan wakiil u noqono dadkayaga islamarkaana hubino ineyna cidkale masalin dadka iyo dalka leelkase oo dhan.” Isaga oo hadalkiisa sii wata afhayeenku wuxuu yiri;

" Mudane waa nasiib darro in Soomaaliya ay ku dambaysay maamulo qabyaaladeed, sidaa darteedna beesha Leelkase waxay ka mid tahay maamulada ay cid walba mataleyso dadkeeda, isagoo intaa sii raacshay " Reer Garsoor waxay u taagan tahay nabad, xaqdhowr, darisnimo wacan, wadajir iyo wanaag ay la yeelato umadaha dariskooda oo wakhti walbana u fidineysaa, isla markaana Leelkase waxuu u taaganyahay iney mustaqbalka iyo masiirka dadkeeda gacanta ku qabato wixii amar ahna cidna u daba joogsan .. Reerka Leelkase ayuu yiri waxay caam ku yihiin aqoon iyo ilbaxnimo waana himiladooda iney aqoon iyo ilbaxnimo kula dhaqanto qabaaiilka jaarka iyo qabiilooyinka Soomaaliyeedba meelkasta ay joogaanba

Mudane Mahiga ayaa si xiiso leh u dhaga maalayay ereyadii afhayeenka beesha oo islamarkaana arkeysey inuu qodob walba oo uu yiraahdo afhayeenku madaxa u lulayay. Wuxuu afhayeenku gacanta uga dhiibay qoraal iyo sawiro u diyaar ahaa. Waxaana muuqatay markuu isha mariyay qodobada guud ahaan mudane Mahiga inuu u qushuucayey.

Nuxurkii qoraalka guud ahaan oo ku qornaa afka ingiriiska waxuu hadafkiisa ahaa in Dadka reer Leelkase masiirkooda cidna u daba joogsaneyn. Cidkale oon aheyn beeshooda ma masili karto iyadoo maamulka faroole oo wakiil ka yahay jufadiisa oo qura, waxaana qoraalku ka digaya in faragalinta qaawan iyo dacaayadah raqiiska ah u ka waantoobo, loona dulqaadan-doonin

Waxa kale oo qoraalka ku lifaaqnaa warqad xaqiijineysa jariimadii maleeshiyada faroole ka gashey degaanka Garsoor. Waxaa ku bayaansanaa warqada tiro magac ku qoran yihiin oo ka turjumeysey dadkey xaqdarida ku laayeen maleeshiyadaas markay soo galeen degaankaas. Waxa islamarkaa ku qornaa dhibta hada u faroole ka wado degaankaas dhaqan ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasada oo ku aadan caburin iyo xabsi aan xaq aheyn oo dadka leelkase lagu hayo iyo sida loo ugaarsanayo  qofka beeshaas lagu tuhmo, iyo arimo badan oo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.