Taliyihi Ciidanka Boliska Jabuuti Oo La Toogtay Iyo Dhawaciiso France Loo Qaaday
Thursday - September 29, 2011
War laga helay dhinaca taliska boliska Jabuuti ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti Cabdi C/laahi Faarax u dhaawac culusi soo gaaray maanta kadib markii uu mid ka mid ah Askarta Booliiska ee Dalkaasi ku furay Rasaas.
Dhaawaca Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti ayay wararku sheegayaan in si Deg-deg ah loogu qaadayo caawa Dalka Faransiiska si loogu soo daweeyo.
Wararka aanu ka helnay shilkaasi ayaa sheegaya in Askariga toogtay Taliyaha la qabtay, waxaana la sheegay sababta dilka keentay oo la yiri askariga waxuu ka carooday Musharadiisii oo laga jaray sidaa darted-na uu Taliyaha u toogtay.