Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Wasiirka Dibu Dhiska Khadar Cabdi Ee Kilinka Shanaad Oo Shir La Qaatay Jaaliyada Itoobiya Ku ....

Sunday - October 2, 2011

Hargeysa - Wasiirka Dib-u-diska Jidadka Dawladda Degaanka Somalida ee Itoobiya Mr. Khadar Cabdi Ismaaciil oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan dawladda federaalka Itoobiya iyo madaxda saafaradda Addis Ababa ee Somaliland, ayaa hoteelka Crown ee magaalada Hargeysa kulan ballaaran kula yeeshay shalay jaaliyadda Kilalka Shanaad ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa.

Kulanka dhexmaray masuuliyiinta ka socday Itoobiya iyo jaaliyadooda ku sugan Hargeysa oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen, ayaa sida ilo-wareedyo kulankaasi u dhuun daloola Jamhuuriya u xaqiijiyeen, waxa lagaga wadahadlay sidii ay xiriir wadashaqayneed u yeelan lahaayeen dawladda Soomaalida iyo jaaliyadda ku dhaqan Killilka Shanaad, iyada oo wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayey ku boorriyeen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarka dalkooda ka socda, gaar ahaan Killilka Shanaad ee Soomaalida.

Waxa masuuliyiinta Itoobiya ay jaaliyadda ugu baaqeen inay dhinacooda ka ilaaliyaan nabadgelyada Itoobiya, waxaanay si kulul u cambaareeyeen jabhadaha dagaalka kula jira dawladda dalkooda, kuwaasoo ay sheegeen inay ka soo horjeedaan horumarka iyo dimuquraadiyadda ka hanaqaaday Itoobiya, iyadoo sida ilo-wareedyaadaasi xuseenna ay ku eedeeyeen jabhadaha hubaysan inay gumaad iyo tacdi joogto ah ku hayaan shacbiga Itoobiya, gaar ahaan kuwa ku nool gobollada Killalka 5aad.

Wasiirka dib-u-dhiska Jidadka Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mr. Khadar Cabdi Ismaaciil oo maalmo ka hor booqasho ku yimi Somaliland, ayaa hadal uu jaaliyadda u jeediyey waxa uu ku sheegay in kooxda ONLF dhibaatooyin joogto ah ku hayso shacabka ku dhaqan degaankaas, waxaannu ku eedeeyay inay shacbiga dawladda degaanka Soomaalida ka reebtay dalka Itoobiya intiisa kale, isagoo cadeeyay inay jabhadaasi gudaha Ogaadeeniya si joogo ah uga fuliyaan weerarro lagu bartil-maameedsanayso dadweyne aan waxba galabsan.

Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu ugu baaqay jaaliyadda Soomaalida Itoobiya ee ku dhaqan Somaliland inay gacan ka geystaan horumarka dawlada degaanka Soomaalidu ku tallaabsatay muddooyinkan dambe, isla markaana taageeraan dawladooda, isagoo dhinaca kalena ka codsaday inay dhinacooda kaalin fiican ka qaataan ilaalinta ammaanka Itoobiya iyo sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka dawladda degaanka Soomaalidu doonayso inay ka hirgeliso dhulka Soomaalida ee Itoobiya.