Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ogeysiis .. Ogeysiis + Dhambaal Caafimaad Badan

Saturday - October 15, 2011

Dear akhrista-yaasha Webkan meelkasta oo aad joogtaanba, waxaan salaan diiran qaaliya idin kaga soo diraynaa cirifka dunida kanada, waxaana idinka iyo gaar ahaan our lovley nation u rajeynayaa  peace and comfort .. Arladaan Kanada waxaa lagu xasuuta fogaanta iyo gad-gadiska  cimilooyinka kala duwan .. waa dal aysan taariikh hore Awowe, isir iyo Walaal weli Aabo raad soo dhigin, laakiinse aan anigu waqtigi bilawga wareerkii Somaaliya mawjadaha badaha lagu haftay, rajaduna samirtay  iyo i-bixiyow i-bixigii, waxaan soo xamaartaba kolba dhinac iyo farsamo ii gaara goor waabari ah halkaan orod ku soo gaaray.

Salaan ka dib ikhyaarta walaalaha ee maamuska mudan dhallin-yaro, waayeel, rag iyo dumar dhamaantiin ee sida gaarka ugu taxan akhriska Daily News-ka Shabakadaan Galdogob Times oo iyadu waa shabakade sida ammaanta leh aad ku tilmaanteen iney tahay Jawharadi qaaliga ahayd ee indhaha lagu kala qaaday, uruurisay qadaafooyinkii markii xaniyaha la is qabtay baladu wax wadatay iyo amar ku taagleynta lagula kacay bulshada, isla markaana si lixaad leh ka qayb qaadatay tarjumada carrabki baaqi umadda iyo isku xirka bulshada gudo iyo dibadba, iyo waliba run ka sheega halkay dantu ku jirto, laakiin intaasoo ammaan iyo bogaadin ah anaga oo qura ma lahaan-karno balse halgamayaashi aan mar kaliya ka wahsan xaq sheega oo qalbigooda baqashada aqoon sida webka Raxanreeb iyo kuwa kaleba hadeysan iyagu wax sallixin wehel noo ahayn  cagacageeyn meel wax ma gaarsineen.

Waxaase xaqiiqo aan la isku maawelin-karin waa sida aad e-meelka igu soo qorteene in sawaxankii daran-doriga website-yada iyo shiiskii yoolka hootada ay sanduleysay horjoog-sigi kala gurrka sheekooyinki marin-habaabinta jaaho wareerka ahaa iyo ka been-sheegi xaaladi dareen dadka ee u dadahayey Odagi rereysnaa Puntland ee dabin dhiga iyo kolba dhinac ka imaansho ku dhisnaa .. waxaa la yiri inta hadal duulo, haad ma duusho, waxaa Cabdiraxmaan faroole laga soo wariyey in isagoo isha wax ku canaananaya cammanka tuuraya ashtako ahaan u yiri " Waan oran-kara kaalinta sawirada iyo maqaalada karbaash ay wax ku dhen-gadeynayaan Raxanreeb, Galdogob Times iyo Amin Arts wey iiga daranyihiin swaariikhda dhaadheer iyo gantaalo sun waabaayo leh oo cirka iga soo dhacaya .. Waa bahalo sida god iyo abeeso igu soo gurguurate ee talow group-kaan yaan uga ergeystaa" mar kale isagoo niiqniiqaya waxuu yiri waa sida aan maqlaye " Kuwaan waa iga daran-yihiin Sadex dawladood oo ila dagaalameysa"

Hadaba akhristow anagoo mahad qiyaas lahayn idin celineyna sida aad amaantaas ugu soo hurgufteen E-meelada website-kan, waxaan si gaara idin ku war-galineynaa in mudo ku kooban laga bilaabo maanta oo ah 16 October illa 20 November ay shabakdaan xaga dhigista qaybtii Latest News ee aan subax walba idiin soo gudbin jirnay mudadaas kor ku xusan aan hakad galinay hasa ahaate qaybaha kale ee webka sidoodi ayey u socon-doonaan, sida farshaxanka Amin Arts iyo wixii la mida waxaana sababtu la xariirta team-ka webkaan rag ka mida oo u diyaargaroobay halka loo xajj tago, gaar ahaan Tafaftiraha oo isagu ugu horeyn nafsadiisa u gartay inu sanadkaan tago xarunti waxyiga Xijaas iyo dhulkii xabiibki sharafta badnaa Nabigi nalo so diray Maxamed (SCW) xunduntiisa taal iyo xajka ilaahay u dooro ..  talo ilaahay u saartay una is-tikhaareystay si ilaahay Raxiimka ah igu dooro inaan xajka tago oo acmaashisa qawl iyo ficil u guto oo eebaha xooga badan markaan gacanta baryadiisa u hoorsado igu deeqo naxariistiisa dambi dhaaf.

Akhrista-yaashow waxaa muhim ah inaan idin xusuusiyo in markasta niyada ku hayno in aduunkaan ay axwaashiisa badantahay oo lagama dhamaado mixnadiisa iyo xungurufihiisa uu qofku dhex jibaaxayo .. taana ha la ogaado aduunyadu waa goob shaqo oo qofkasta wixii u shaqeysto ayuu aakhiro marka u dhinto hor ilaahay ugu tagaa .. yaan hadal idin ku daaline ee ujeedadu waxay tahay, waa in la toobad keenaa intaysan kutubtu qalalin, qalimada la rafacin .. allihi na abuuray ha laga cabsado oo aan iimaanka isku baxnaaninaa .. maanta dalkeena dhiig, xad-gudub, quraan dijaal, indhaha faraha la iska galiyo, yooyootan, allow xero maran xoolo soo gali, iska daba wareeg, kutri-kuteen la isla dhex qaado iyo hagardaama dambe uma baahna lagana wanaagsan xulefeysiga hoose ee wax duminta ku dhisan .. waa lagama-maarmaan in ruux kasta oo ku taagan tubta qaldan, aragtidiisuna siineyso inu isagu kali sax yahay la baraarujiyo, la toosiyo, lana dareensiiyo in aqoon iyo ogaalba jiro, waxaana haboon inu qofku maankiisa la kaashado talooyinka la siiyo ee wax tarka ah dabadeedna isa saxo, haddi kale waxaa la dersa khasaare culus oo badan murugana ku reeba waxuuna ku dambeya aakhiro iyo aduunba haddi aan sidaa iyo sidaa yeelilahaa?

Ugu Dambeysti akhristow waxaan hadal-keyga ku xiraya, soo gudbinta waanadi iyo hadalki  dardaaranka horsedka u ahaa Nabigeeni Maxamed SCW isagoo dadkii xajka ka soo qayb galay la hadlaya yiri;

" War Dadow maqla hadalkeyga, anigu ma ogi inaan idin la kulmi-doono sanadkaan kadib .. War Dadow dhiigiina, Maalkiina iyo Sharaftiina inaad ku xadgudbtaan waa xaaraan ilaa aad la kulantaan Rabigiina .. War Dadow Rabigiin waa mid, aabihiin waa mid .. ilaahay agtiisa qafka ugu fiican waa midka idin ku cabsi badan, Qofka Carrabaka ah kama fiicno midka Cajamiga ah .. Qof Cad kama fiicna qofka Madow .. dhamaantiin waxaad ka imaateen Adam, Aadamna waxuu ka yimi Carro laga abuuray"  Nabiga SCW markasta uu dhameeyo hadal muhim ah waxuu dhahaayey " Miyaanan gaarsiin ilaahayow markhaati ka noqo"

Ugu Dambeyn Wa Tafaftiraha Shabakada Maxamed Calixaashi Maxamud ( Cadawe) oo idin Leh Ha la is Cafiyo iyo Anagoo inshaa Allaah Dib isu Maqala.