Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Mad-madow La Sheegay inu Soo Kala Dhex Galay M/wene Shiikh Shariif Iyo Raiisal Wasaarihiisa Gaas

Wednesday - October 12, 2011

Kadib markii la sheegay in madaxweynaha KMG Somaaliya Shiikh Shariif u amar ku bixiyey in isku shaandheyn lagu sameeyo qaar ka mida golaha wasiirada xukumada Gaas, ayaa waxaa soo if baxay muran u dhaxeya madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisal wasaarihiisa Gaas.

Waxaa ilo loo qaateena warkooda ku sheegeen in Madaxweyne Shiikh Shariif uu amar ku bixiyey in la badalo wasiirka Gaashandhiga iyo kan arimaha Gudaha oo u ku eedeeyey iney waajibkii hawshooda loo xilsaaray ay gudan-waayeen .. hadalkaan madaxweynaha ka soo baxay ayaa la yiri waxaa ka carooday raiisal wasaaraha Gaas oo ka biyo diiday sheekada u ula yimi isagoona sheegay in wasiiradaasi hawshoodi si wanaagsan u gudanayaan.

Warkaan oo laga xigtay Rag madaxtooyada ka agdhawo ay sheegay inu jiro kulamo ay labada masuul ku qaadanayaan Villada madaxtooyada dhexdeeda oo ay diirada ku saarayaan sidi ay isku fahmi-lahaayeen shaandheyntaas oo loo meel mariyo .. Mad-madowgaan soo dhex galay labada masuul ee dalka ugu sareya ayaan la ogeyn halka u salka dhigan-doono iyo sida u Raiisal Wasaare Gaas looga dhaadhici-lahaa hadalka soo jeedinta Shiikh Shariif.

Sida la ogyahay dhawar Raiisal Wasaare ayaa ku baxay khilaaf soo kala dhx galay madaxweynaha Shariif iyo Raiisal Wasaara-yaal hore oo kii ugu dambeeyey ahaa Maxamed Farmaajo ..